Breaking News
Home / Warar / Shariif Xasan oo ka hadlay arrinta Abuu Mansuur

Shariif Xasan oo ka hadlay arrinta Abuu Mansuur

17 August 2017 (MCRS) Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa ka hadlay isu soo dhiibitaanka Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur uu isku soo dhiibay Dowladda Federalka Somaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed. Shariif Xasan oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Baydhabo, kadib markii uu dib ugu laabtay Magaaladaasi, ayaa wuxuu sheegay tallaabo wanaagsan oo guul ah inay tahay in Roobow aragtidiisa uu hadda kala hadlaayo Dowladda Somaliya. wuxuu sheegay guul shacabka Somaliyed u soo hooyatay inay tahay arintaasi, isaga oo kaga mahad celiyay suurtagalnimada arintaasi Ciidamada Itoobiya, kuwa Koonfur Galbeed iyo Ciidanka Xoogga dalka Somaliya oo Abuu Mansuur ka soo kaxeeyay duleedka Degmada Xudur ee Gobolka Bakool.

“Runtii waan ka mahad celinaynaa dadaaladii Gobolka Bakool ka dhacay ee lagu jabiyay Kooxaha Nabad diidka, Ciidamada walaalaheena Itoobiya dadaalka ay ka gaysteen iyo ciidanka Militariga, Nabad Suggida iyo Booliska Koonfur Galbeed, Goboladan dhan Nabad ayeey u noqon doontaa cadowga inuu jabo, Sheekh Muqtaar maanta isaga oo nabad ah inuu joogo oo aragtidiisa Dowladda uu kala hadlaayo, waana guul shacabka Somaliyed u soo hooyatay arintaasi.” Ayuu yiri Shariif Xasan. Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur, ayaa shalay Saxaafadda ugu sheegay Magaalada Muqdisho inuu ka baxay Ururka Al Shabaab, muddo hadda laga joogo Shan Sano iyo Todobo bilood, wixii xilligaasi ka dambeeyayna uu ku noolaa Gobolka Bakool. Roobow, ayaa cadeeyay in Dowladda Federalka Somaliya uu wada hadal kula jiro, iyadoo dhanka Dowladda Somaliyana qirtay inuu socdo wada hadalka ku aadan Roobow Abuu Mansuur.

About Editor1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>