Breaking News
Home / Warar / Fartaag oo loo doortay Xubintii Faroole uu iska casilay

Fartaag oo loo doortay Xubintii Faroole uu iska casilay

16 August 2017 (MCRS) C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa ku guulaystay xubintii uu iska casilay C/raxmaan Faroole oo aheyd Guddiga dib u eegista Dastuurka KMG ee dalka xubnaha u matalaya Aqalka Sare. Doorasho ka dhacday xarunta Aqalka Sare ee dalka, ayaa Wareegii labaad waxaa isku soo haray laba Musharax oo kala ah Shukri Aadan Maxamed iyo C/laahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), waxaana guulaystay Fartaag. fartaag, ayaa lagu soo waramayaa inuu helay codad gaaraya 24 cod, halka Shukri Aadan ay heshay codad gaaraya 22 cod, sidaasina guusha ay ku raacday Fartaag. Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa shir gudoominaayay kulanka doorashada ah ee maanta ka dhacay Aqalka Sare.

Shukri Aadan oo ah Haweenayda laga guulaystay, ayaa sheegtay Doorashadii dhacday inay aheyd mid xalaal ah, ayna ku qanacsan tahay natiijada Doorashada ka soo baxday. Shanta Xubnood ee Aqalka Sare u matalaya Guddiga Dib eegista Dastuurka KMG ee dalka, ayaa dhamaantood waxa ay yihiin Rag, Booskaan maanta loo tartamay ayaa horay waxaa isaga casilay C/raxmaan Faroole. Xildhibaanada Aqalka Sare ee Doorashada maanta galay, ayaa tiradooda waxa ay gaareysaa 46 Xildhibaan oo kulanka xaadir aheyd.

About Editor1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>