Breaking News
Home / Warar / Weerar dhinaca cir oo caawa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

Weerar dhinaca cir oo caawa ka dhacay Gobolka Jubbada Dhexe

10 November 2016 (MCRS) Duqayn culus oo dhinaca cirka, ayaa caweysnimadii caawa dhacday duleedka Magaalada Bu’aale ee Xarunta Gobolka Jubbadda Dhexe, iyadoona hugunta duqaynta laga maqlay goobo badan. Duqayntan, ayaa lala beegsaday saldhigyo Shabaabku ku leeyihiin Deegaanka Waraha Dhoobley, oo 45km dhinaca galbeed kaga toosan Magaalada Bu’aale. Wararka, ayaa sheegaya in duqaynta ka dib ay halkaasi gaareen maleeshiyaad fara-badan oo ka tirsan Shabaabka, waxaana kacsan xaaladda goobihii la duqeeyay. Waraha Dhoobley waa deegaan istiraatiiji oo hawd ah, iyadoona ay Shabaabku ku leeyihiin illaa saddex saldhig, oo uu ku jiro saldhig wayn oo lagu tababaro mintidiinta taabacsan Ururka Al Qaacidda.

Sarkaal Militariga Somaliya ka tirsan, ayaa Dhacdo.com u sheegay in sidoo kale ay Shabaabku Waraha Dhoobley ku leeyihiin xarun lagu tababaro maleeshiyaadkooda loo diiwaangeliyo weerarada ismiidaaminta. Deegaanka waxaa kaloo ku yaala majmac ay xilliyada qaarkood ku kulmaan Saraakiisha sar sare ee Ururka Al Shabaab, waxaana Waraha Dhoobley loo arkaa mid ka mid ah meelaha ugu muhiimsan ee mintidiintu ka jooggaan Jubbooyinka. Dhinaca kale duqayntan, ayaa waxaa laga maqlay meelo ay ka mid tahay Magaalada Bu’aale, iyadoona dareen ku beertay dadka deegaanka. Duqayntu waxay ku soo beegmaysaa, xilli maqribnimadii caawa ay Shabaabku dib u fasaxeen Isgaarsiintii Gobolada Jubbooyinka, sida ay ku xaqiijinayan bulshada ku nool goboladaasi.

 

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>