10 November 2016 (MCRS) Waxaa Maagalada Jowhar ka dhacay doorashada Aqalka Sare, waxaa la doortay 8-da Xubnood ee maamulkaas u meteli doonta aqalka sare ee Soomaaliya. Doorashada waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble, Ku Xigeenkiisa Cali Guudlaawe iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Maamulkan, ayaa noqonaya kii ugu dambeeyay ee doorta xubnaha Aqalka Sare uga mid noqonaya dowladda soo socota, waxaana dhawaan lagu wadaa in Magaalada Muqdisho lagu doorto xubnaha Somaliland ku metelaya Aqalka Sare.
Liiska Xildhibaannada ku guuleystay Aqalka Sare:
Kursiga 1aad: Cismaan Axmed Mocow 73 cod
Cabdinur Ibrahim Farey 24 cod
Kursiga 2aad: Cismaan Maxamed Dufle 85 cod
Jaamac Xusseen Xaashi 12 cod
Kursiga 3aad: Muuse Suudi Yalaxow 91 cod
Xasan Cali Caadle 4
Kursiga 4aad: Prof. Maxamed Cusmaan Faarax 94 cod
Cumar Cusmaan Cilmi
Kursiga 5aad: Maxamed Xuseen Raage 94 cod
Keyse Diiriye Nuur
Kursiga 6aad: Fadumo Cabdiqadir Kulane, markii ay guuleysatay ayaa kalsoonida lagala noqdey.
Kursiga 7aad: Maxamed Amin Sh. Cusman waxaa uu helay 98 cod kadib markii uu tanaasulaey Maxamed Xasan Geedi
Kursiga 8aad: Naciimo Ibrahim Yusuf ayaa heshay kadib markii ay tanaasushay Maryan Maxamed Kulow.