Breaking News
Home / Warar / Ciidamada Jabuuti oo 80 qof ku xiray Magaalada Baledweyne

Ciidamada Jabuuti oo 80 qof ku xiray Magaalada Baledweyne

10 November 2016 (MCRS) Ciidamada Jabuuti ee qaybta ka ah Xoogaga Nabad Ilaalinta Midowga Afrika oo ay wehlinayan Ciidamada Dowladda Somaliya, ayaa maanta hawlgal ballaaran ka sameeyay xaafadda Buundoweyn ee Magalada Baledweyne, xilli xalay xaafadaasi lagu dilay laba askari. Labada ciidan, ayaa gacanta ku soo dhigay 80 qof oo lala xiriirinayo dilka ka dhacay xaafadda Buundoweyn, waxaana laga shaki qabaa in dadkan ay qaarkood xiriir la leeyihiin Ururka Al Shabaab. Taliye Ku Xigeenka Saldhiga Booliska Baledweyne, Xasan Nuur Bidaar, ayaa xaqiijiyay in hawlgalkan lagu xiray 80 qof, oo qaarkood lagu tuhmayo dilka laba ka mid ah askarta dowladda.

Waxaa Taliyaha uu intaasi ku daray intii uu hawlgalku socday in labada ciidan, ay dhaawaceen ganacsade sitay bistoolad, ka dib markii uu sheegay inuu diiday awaamiirta ciidamada. Taliye Bidaar oo la hadlay Idaacadda Shabelle, ayaa xusay in dadkii la soo xaray lagu kala saarayo Saldhiga Booliska Baledweyne, isagoona qeexay in la sii deyn doono ciddii dembi lagu waayo. Si kastaba ha-ahaatee ammaanka Magaalada Baledweyne, ayaa ahaa mid hagaagsan muddooyinkii ugu dambeysay, ka dib markii Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble uu ku baaqay in la xoojiyo nabadgelyada magaalada

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>