Breaking News
Home / Warar / Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba oo geeriyooday

Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba oo geeriyooday

9 November 2016 (MCRS) Guddoomiyihii Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay oo 15-kii Bishii 10-aad ee sanadkaan ku dhaawacmay qarax miino oo lagu xiray meel u dhaw gurigiisa, ayaa la sheegayaa inuu u dhintay dhaawac ka soo gaaray qaraxaasi. Muddooyinkii dambe dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday, ayaa waxaa lagu daaweynaayay Isbitaalka Xalane ee ciidamada Amisom, hayeeshe Saraakiisha ciidamada Booliska Buurhakaba ayaa sheegay in la xaqiijiyay geerida Guddoomiyaha. Laba Xidigle Maxamed Ibraahim Cabdule oo ah Taliye ku-xigeenka  Ciidamada Booliska Maamulka Degmada Buurhakaba ayaa Idaacada Risaala Magaalada Muqdisho u xaqiijiyay geerida Gudoomiyihii Degmada Buurhakaba Maxamed Cabdi Maxamed   oo dhawaan ku dhaawacmay qarax ka dhacay gudaha degmadaas.

Waxa uu sheegay ehelada marxuumka qaar ka tirsan oo Isbitaalka Xalane ku haayay inay xaqiijiyeen geerida Guddoomiyaha, wuxuuna u dhintay dhaawaca soo gaaray. Qaraxa miino ee hooygiisa meel ku dhaw lagu xiray Degmada Buurhakaba ayaa waxaa ka dambeeyay Ururka Al Shabaab oo horay u sheegtay inay iyaga masuul ka ahaayeen dhaawaca Guddoomiyaha geeriyooday. Masuuliyiinta Maamulka Degmada Buurhakaba iyo kuwa Koonfur Galbeed ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Guddoomiyihii Buurhakaba.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>