Breaking News
Home / Warar / FAAHFAAHIN: Weerarkii qaraxa ahaa ee caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

FAAHFAAHIN: Weerarkii qaraxa ahaa ee caawa ka dhacay Muqdisho iyo Al-shabaab oo sheegatay

Ugu yaraan laba askari ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna dhaawac ayaa kasoo gaaray, qarax gaari miineysan loo Adeegsaday oo fiidnimadii caawa lagu weeraray Ciidammo ka tirsan kuwa Dowlada Federaalka Somalia oo ku Sugnaa Agagaarka Dhismaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Muqdisho. Saraakiil ka tirsan hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Somalia ayaa sheegay inuu fuliyay Qaraxa ruux gaari miineysan watay, iyadoo Al-shabaab ay sheegatay Mas’uuliyada Qaraxaan. Al-shabaab ayaa sheegatay in weerarkan ay la beegsadeen ciidamo ka tirsan kuwa Nabad-sugidda Somalia, inkastoo aysan sheegin khasaaraha ay qaraxa ugu geysatay ciidamadii ay la beegsadeen. Dhanka kale, Dhamme Maxamuud Max’ed Cali oo ka tirsan Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, ayaa sheegay in Qaraxa Is-miidaaminta ah lala beegsaday gaarigiisa, uuna dhaawac fudud kasoo gaaray.

Sidoo kale, Qaraxan ayaa waxaa ku dhintay ruuxii gaariga miineysan waday ee ciidamada beegsaday, Waxaana goobta xiray Ciidammo ka tirsan kuwa Dowladda Somalia, iyadoo ay xilligan daggan tahay goobta uu Qaraxu ka dhacay caawa ayna ku sugan yihiin Ciidamadii goobta gaaray. Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka ayaan weli si rasmi ah uga hadlin khasaaraha ka dhashay Qaraxan, iyadoo uu kusoo beegmayo xilli ay Taliska Booliiska Gobolka Banaadir sheegeen in dhawaan la billaabi doono hawl-gallo lagu adkeynayo Ammaanka Muqdisho. Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa xilliyada qaarkood qaraxyo is-miidaamin ah la beegsada xarumaha Dowladda Somalia iyo Hoteellada Muqdisho, kuwaas oo geysta khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>