Breaking News
Home / Warar / Booliska oo ka hadlay weerarka caawa ka dhacay Isgoyska Sayidka

Booliska oo ka hadlay weerarka caawa ka dhacay Isgoyska Sayidka

6 November 2016 (MCRS) Taliska Booliska Gobolka Banaadir, ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay weerarkii ismiidaaminta, ee fiidnimadii caawa ka dhacay Barxadda Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho. Korneyl Bishaar Abshir Geedi, Taliyaha Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir, ayaa tilmaamay in Shabaabku ay soo qaadeen waxa uu ugu yeeray ismiidaamin raqiis ah, ka dib markii ay culeys badani kala kulmeen Ciidamada Qalabka Sida, ee loo xil saaray inay xaqiijiyaan nabadgelyada Caasimadda. Taliyaha, ayaa sheegay in nin watay gaari lagu soo raray walxaha qarxa uu weeraray gaari ay leeyihiin Ciidanka Militariga, oo yaalay Isgoyska Sayidka.

Taliyaha oo shir jaraa’id ku qabtay Isgoyska Sayidka, ayaa sheegay ka hor inta aanu gaarigaasi qarxin inay Ciidanka Militariga rasaas oodda kaga qaadeen, ka dibna uu wadihii gaariga foodda uga dhuftay gaarigii Ciidanka Militariga ee halkaasi yaalay. Waxaa uu qeexay in weerarkaasi uu sababay dhimashada saddex ruux, laba ka mid ah Ciidanka Militariga iyo ninkii la socday gaarigii weerarka loo adeegsaday iyo dhaawaca saddex askari oo kale. Korneyl Geedi, ayaa hoosta ka xariiqay inaanu weerarkan niyad-jebin doonin ciidamada ammaanka, balse uu ku dhiiragelinayo inay dardargeliyan hawlgalada ka dhanka ah nabadiidka. Ururka Al Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda weerarkan ismiidaaminta, oo caawa laga maqlay inta badan xaafadaha Magaalada Muqdisho.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>