Breaking News
Home / Warar / Akhriso: Magacyada 10-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee laga soo Doortay Puntland

Akhriso: Magacyada 10-ka Xildhibaan ee Aqalka Hoose ee laga soo Doortay Puntland

Doorashada Xubanaha Aqalka Hoose ee Puntland ka dhacday, ayaa lagu Doortay 10-xildhibaan oo ka mid noqonaya Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee dhismihiisa lagu Hawlan yahay.

Siciid Jaamac Qorsheel oo ka mid ah Guddiga Doorashda Dadban ee Heer Federaal, ayaa sheegay in 10-ka xildhibaan ay yihiin Xildhibaannadii ugu horreeyay ee la doortay, isagoo intaas ku daray in markii la dhaariyo ay helayaan  Xasaanadda Xubinnimada Baarlmaanka Cusub ee Federaalka.

AKHRISO: Magacyada 10-ka xubnood ee maanta la doortay iyo codadka ay heleen;

  1. Cali Yuusuf Cali Xoosh – Wuxuu helay 49 cod
    2.   Axmed Ismaaciil Maxamed  – Wuxuu helay 30 cod
    3.   Muuse Axmed Ismaaciil – Wuxuu helay 44 cod
    4.   Cumar Ismaaciil Waaberi – Wuxuu helay 28 cod
    5.   Maxamuud Xayir Ibraahim – Wuxuu helay 37 cod
    6.   C/rashiid Maxamuud Xasan – Wuxuu helay 27 cod.
    7.   C/naasir Siciid Muuse – Wuxuu helay 26 cod.
    8.   Daahir Xaaji Geelle Faarax – Wuxuu helay 46 cod
    9.   Daahir Cali Faarax – Wuxuu helay 42 cod
    10. Cilmi Cumar Cilmi – Wuxuu helay 27 cod

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Puntland, Khaliif Ow-Cali ayaa sheegay in labada xubnood ee dhimman la dooranayo berri oo Axad ah, sida ugu dhaqso badanna ay ku Diyaarinayaan Ergada soo dooran doona 12 xubnood ee xiga kuwan maanta la doortay.

– See more at: http://www.hiiraan.com/news/2016/Nov/wararka_maanta5-118236.htm#sthash.kfRplnqb.dpuf

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>