Breaking News
Home / Maqaallo / Aqoon-yahan arday ah!

Aqoon-yahan arday ah!

29 Sep 2015 (MCRS) Dunnidu waa isbaddal joogto ah. Maalin kasta oo hor-leh waxay wadataa, aragtiyo hor-leh, nolol hor-leh, dad hor-leh, dhibaatooyin hor-leh iyo baraare hor-leh. Sidaa daraadeed ayaa waxaa lagama- maarmaan ah in la helo hal-abuur nololeed joogto ah oo la jaanqaadi kara isbaddalkaas joogtada ah. Ummadaha kobaca dhaqaale iyo horumarka bulsho sameeya, ama kuwa ka soo kabsada duruufaha dagaallada iyo aafooyinku waxay soo kordhiyaan tijaabooyin cusub oo aan looga horrayn. Horay uma dhicin, -haddana looma fadhiyo- ummad ka soo kabatay dhibaatooyin nololeed iyo kuwo dhaqaale ayada oo soo min-guurinaysa tijaabooyin dad kale ku guulaysteen. Ummad kastaa waxay leh dahay xaaladaheeda gaarka ah. Dheehashadu way ka duwan tahay min-guurinta. Qofka ama bulshadu way ka dheehan karaan ummadaha kale qaabka ay u guulaysteen balse, waxaa lagama-maarmaan ah in ummad kasta (iyo qof kasta) oo isbaddal doonaya ay si dhab ah u akhriyaan xaaladahooda gaarka ah oo iyagu markasta ka duwan tan ummadaha kale, kadibna soo kordhiyaan tijaabo cusub oo wadata magac cusub, tiirar cusub iyo qodobba cusub.

Ma maqashay tijaabada Singapore? Tijaabada Japan? Tijaabada Jarmalka? Tijaabada Malaysia? Ama xataa tijaabada Rwanda? Ma jiro dal isku jimmeeyay dal kale oo si buuxda usoo qaatay aragtida midka kale, balse waxaa jirta arrin ay ka midaysan yihiin oo ah; hal-abuur cusub oo ku dherersan baahidooda, haybtooda iyo himilooyinkooda. Mid ka mid ah sababaha dhibaatada na ragaadsatay; waa annaga oo aan lahayn hal-abuurayaal amaba hal-abuure kali ah oo soo kordhiya tijaabo cusub.Aqoon-yahankeennu waa midka akhrin yaqaanna tijaabooyinka ummadaha kale, kadibna ku dhex-jiidi yaqaanna bulshada, isaga oo aan tixgelinin qaab dhismeedka diineed, dhaqan iyo bulsho ee ay Soomaalidu leh dahay. Aqoon-yahankeennu waa mid ku xiran maan-shisheeye. Wuxuu farriimaha diinta (fatwooyinka) kala soo degaa Sucuudiga, Masar, Suudaan ama dalal kale oo fahamkooda diintu ku jimmaysan yahay baahida bulshadooda oo markasta ka duwanaan karta tan bulshadeenna. Aqoon-yahankeenna diintu waa mid aan si wanaagsan u fahmin in Islaamku ku shaqayn karo meel ka baxsan Jaziiradda Carabta iyo Bariga Dhexe. Dhanka kale, aqoon-yahanka wax ku bartay dalalka reer galbeedka ah (amaba la dhacsan) hannaanka reer galbeedka ee ku dhisan kala sooca diinta iyo maamulka wuxuu isku taxallujiyaa sidii uu ku soo min-guurin lahaa dhaqanka reer galbeedka isaga oo aan dan ka gelin kala duwanaanta diin, dhaqan ama bulsho ee noo dhaxaysa annaga iyo reer galbeedka. Waxaa hal-hays u ah ”dalal horumaray oo naga caqli badan ayaa sidan sameeyay, annagana waa inaan samaynaa haddii aan doonayno inaan sidooda oo kale horumar samayno.”

Aqoon-yahankeennu waa mid ku mashquulsan isirkeenna. Qaar baa waxay raadiyaan caddaymo na Carabayn kara, halka qaarka kalena ku mashquulsan yihiin caddaymo naga fogeyn kara Carabta oo naga dhigi kara ’waxkasta oo kale.’ Taas waxay ku xiran tahay had-ba qolyaha uu aqoon-yahanku ardayga u yahay. Aqoon-yahankeennu wuxuu ku fekeraa caqliyad ka baxsan waxa horyaalla. Wuxuu bulshadiisa ku eegaa indhaha quruumo kale. Sidaa daraadeed ayuu canaan joogto ah la dul taagan yahay bulshadiisa isaga oo aan soo kordhin hannaan cusub oo baraare u horseedi kara. Mararka qaarna, wuxuu u dhaliilaa bulshadiisa sidii inuusan isagu ka tirsanayn ee uu yahay qof ka madax bannaan oo la yaabban sida ay u dhaqmayaan. Sababtuna waxay tahay, isaga oo soo amaahday garaad kale oo ka xayuubinaya Soomaali-nimadiisa. Waxaa naga maqan aqoon-yahan ay ku filan tahay inuu yahay Soomaali oo aan u baahneyn inuu meel kale salka geliyo. Waxaan u baahan nahay aqoon yahan leh awood uu ku hinjin karo dadkiisa, ku xajisan karo haybtiisa, kula-na jaanqaadi karo dunnida kale. Tiigsaga dadka kale iyo la baratankoodu khasab ma aha inuu la macno yahay inaan markasta dhaqankeenna, xeerarkeenna iyo arrimaheenna gaarka ah ku qiimayno sida ay ula mid yihiin kuwa dadka kale. Kala duwanaanshuhu waa qeyb nolosha ka mid ah. Waxaan u baahan-nahay aqoon yahan leh hal-abuur nololeed oo dhaafsiisan soo min-guurinta kan dadyowga kale. Aqoon-yahan soo kordhin kara tijaabo cusub oo la yiraahdo ’tijaabada Soomaaliya’ oo tusaale la soo dheehdo u noqon karta ummadaha kale ee doonaya inay horumar ku tillaabsadaan.

W.Q. Cabdirashiid Caalim

Helsinki Finland

 

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>