Breaking News
Home / Maqaallo / Jowhar: Nolosha Hantigoosiga & bililiqada

Jowhar: Nolosha Hantigoosiga & bililiqada

7 July 2016 (MCRS) Guud ahaan Bani’aadmiga Wuxuu ka Siman Yahay Baahi Loo Qabo Ku Noolaashaha Runta Inta Dunidan Kooban La Joogo Iyo Marka La Aleystaba. Baadigoobka Loogu Jiro Runta Waxaa ugu horeeyo in La Fahmo in Runta aysan aheyn Wax la Milkin karo oo la lahaan karo Balse tahay Wax Dhamaan Dadku ay u Siman Yihiin. Sirta ku Dheehan Nolosha Xorta ayaa ah u Ban-bixida Nolol Run ku dhisan. Dunida Looga noolyahay Been Waxaa Tuke Cambaar leh ka Noqanaya Kuwa Runta u Kaashada u Xoroobida Nolol Madax banaan oo ku dhisan Mabaa’di Caafimaad Qabta iyo Tiirarka Guusha. Fuleynimadu waa astaan fool-xun oo la mataaneysan bakheylnimada. Labaduba waxay qofka ka hor-istaagaan in uu u bareero Runta. Mudadii 2da Isbuuc ku sineyd ee aan Fasax gaaban iyo u kuurgalid ugu joogay Degmadda Jowhar waxaan la yaabay sida Nolosha dadka ay u gashay isbadal ku dhisan Hantigoosi, Dhulgoosi iyo bililiqeysi. Aragtida hantigoosigu wax ay ku dhisan tahay Maahmaahdii reer Miyiga aheyd ee “Ninkii roon, reerka ha u haro” Aragtida Hantigoosiga waxey ku doodaa in ay dad gaar ahi yeeshaan ilaha waxsoosaar iyo khayraadka dabiiciga ah ee dad leeyihiin, iyo in suuqa dhaqaalaha faraha laga qaaddo, oo tartanka lacag samaynta la fasaxo, si tartankaa loogu kala haro. Guud ahaan Dalka wuxuu gacanta u galay fac wada bahalo dhiigyacab ah oo macangagnimadda, Musuqa iyo Naxariis-darrada ay dhaqankooda qeyb ka mid ah Noqotay Markaasaa Codka Bulshada Danyarta ahi kuu sawirayaa in dhulka ay ka jirto Cadaab dabiici ah oo lagu cagagubyoonayo!.
Hadaanu Nahay Xaaladdaas Nololeed dadka Diiddani ee uu nooguna Horeeyo Caalimkii weynaa Mudane Marx Weber waxaan qabnaa in Noloshaasi tahay mid dadqalnimo ah oo ka fog bani aadamnimada habboon, sababtoo ah bulshada inteeda badan waxaa yeelanaysa oo si arxan darro ah ugu tumanaysa inta yar ee hantida iyo Awooda aan Sharciga aheyn leh. Magaalo walba oo Soomaaliyeed waxaad arkeysaa ama maqleysaa Xaraashida Hantida maguurtada ah ee bulshada danta guud ku dhisatay iyo qaar kale oo laga dhisi lahaa Madxafyo, maktabado, gagiyo ciyaareed, iyo beero lagu nasto Waxaase hubanti ah in bulshadu Xaq iyo awood sharci ah oo buuxaa ay u leedahay in ay hor joogsato iibinta dhulka danta guud iyo bililiqeysiga. Waxaa hore loo yiri: “Oodi ab ka dhow” Waxaan arkay dadkii degmada aan kusoo barbaaray ina soo waxbaray oo uu dhif yahay cod xor ah oo sheegi kara xaqa iyadoona ay Madaxa kaga fadhiyaan inyar oo arxan & dadnimo darran halkaasoo xeeladaha la adeegsado si loo aamusiyo odayaasha reeraha, iyo siyaasaddaba tahay u laabida hantida yare e umadda waxaana la oggolaysiiyaa ama laga aamusiiyaa ceebaha siyaasadeed ee deegaanadooda taasi waa xaqiiqo dabiici ah oo si muuqata amaba dadban ugu looga arki karo guud ahaan nolosha Soomaalida Casrigan nool.
Hab-nololeedka Soomaalidii hore oo haraad, hayaan, oomane iyo colaad badidiis ka koobnaa iyo Deegaanka; Debeecada oo ahaa kuwa Qalafsan oo Ilaha Dhaqaale iyo waxsoosaarkuba ahaayeen kuwo kooban ayaa ka dhigay Qofka soomaaliga ah mid arxandaran oo Naftiisa & tan jaalkiisaba u daran. Falsafadda Nolosha Soomaalidii hore waxey aheyd mid adkeysi aan hindise nololeed laheyn ku dhisan waxeyna ku fashilmeen abuurida farsamooyin iyo talooyin furdaamin kara dhibaatooyinka qarniyadda jisaday looga baxo.
Maanta guud ahaan dalka waxaa la sugayaa kacdoon bulsho iyo siyaasiyiin iyo indheergarad bulshada u abaabusha badbaadinta inta yare e hartay iyo la dagaalida Qowsaarada hormoodka u ah maamulada bililiqeysiga iyo qabyaalada u tahay himilo. Bulshada Soomaalida meel ay joogtaba waxey u baahan tahay kacdoon dhaliya nabad iyo xasilooni ku noolaasho, Cadli, xaqdhawr, xushmad, iyo isu kalsoonaan. Kacdoon keeni kara jaceyl, midnimo bulsho iyo isu turid iyo Barwaaqo Hadii uusan iman kacdoonkaas waxaa dhici doona in la banado Nolosha Soomaalida si la mid ah Sidii ay Qowsaaro la askareeyey u banadeen Salaadii Ciidda aan ku tukaney laheyn Masjidka weyn ee Jaamica Jowhar!.
W/Q: Ahmed Roble

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>