Breaking News
Home / Maqaallo / Sida looga badbaadin karo Tahriibka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Sida looga badbaadin karo Tahriibka Dhallinyarada Soomaaliyeed

Arbaco, 11ka Maajo 2016

Dhawaan ayey aheyd markii ay dooni kula degtay badda dhexe dad aad u fara badan oo ay ka mid ahaayeen boqollaalo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, taasoo ka murugeysiisay qof kastoo Somali ah oo waxgarad ah.

In ay sidaas  naxdinta badan  u geeriyoodaan dhallinyaro fara badan oo Soomaaliyeed, waa wax aanu caqliga qaadan Karin, ayadoo ay ka cabanayaan dhallinyaradu in ay waddankoodii  Soomaaliya  ka waayeen  Shaqo  iyo daryeel wax ku ool ah, sidaas darteedna ay doorteen inay naftooda halligaan ama ay helaan nolol ka wanaagsan tan ay haatan ku sugan yihiin.

Dhallinyaradu waa Raa’sumaalkii Dalka, iyo keydki mustaqbalka oo laga  sugayey inay dalka gaarsiiyaan heerka dalalka kale ay tiigsanayaan  amaba ay ka sii hormariyaan, Soomaaliya 70% dadkeedu waa dhallinyaro iyo da’ ka sii yar oo ku soo daba jirta, sidaasna waxaa loo baahan yahay in si qorsheysan oo wanaagsan looga baaraan degay jaan goyn loogu sameeyo, aayo wanaagsan oo ay ku qanci karaanna loo dejiyo, si ay markaas u jeclaadaan dalkooda ayna ku illobaan Tahriibka.

Haddaba, Suurtogal ma tahay in qorshahan aan sheegeyno loo dejiyo dhallinyarada, si ay u haleelaan mustaqbal ay ku qanacsan yihiin?.

Inta aan ka hadlin nooca qorshahaas, bal aan marka hore  isweydiinno, si dhab ah ma u jiraan waxa  ay dhallinyadu ka sheeganayaan oo ah shaqo la’aan baahsan iyo waxbarshadii oo aaney u heyn qarash ku filan, taasoo keentay in ay saboolnimo ku noolaadaan,noloshoodiina ay maareyn waayaan,  waalidkoodii wax ka sugayeyna  ay wax ku tari waayaan, sidaasna ay u arkaan in mustaqbalkoodii mugdi ku jiro, kaddibna sida ay u badan yihiin dhallainyadu ay go’aansadeen ama guul ama geeri.

Sida aan filayo waan wada dareensan nahay in ay wax badan ka jiraan dhibaatooyinkaas ay ka cabanayaan, balse waxaa wax laga xumaado ah in aan weli laheyn qorshe dhammeystiran oo ku aaddan sidii dhallaniyarada loo badbaadin lahaa isla markaasna loogu abuuri lahaa rajo mustaqbal.

Haddaba, haddii aan u soo noqonno u dejin qorshe wax ku ool ah oo wax loogu qabanayo dhallinyarada, waa in qorshahaas ka soo billowdo, Hannaanka Waxbarashada asaasiga ah iyo Waxbarshada Sare ee dalka oo dhan!.

Dugsiyada iyo Jaamacadaha ka jira dalka aad iyo aad ayey u fara badan yihiin, dhmmaantoodna Ardeyda lacag ayey wax ku bartaan, marka laga reebo dhowr dugsi iyo Jaamacadda Ummadda Somaliyeed.

Aan isweydiinee, Waxbarshada Asaasiga ah iyo tan sareba, ma ku saleysan yihiin baahida dalkeenna iyo sidii loo horumarin lahaa waddanka?

Waxaan marna la isku khilaafsaneyn, in Waxbarshada dal kasta oo ka mid ah dalalka Adduunka ay Waxbarashadiisu ku saleysan tahay hadba Baahidiisa iyo siduu uga faa’iideysan lahaa kheyraadka eebbe ku mannadeystay.

Waddankeenna Soomaaliya, waxaa Alla siiyay  kheyraad aad u badan oo ay ka mid yihiin dhul Beereed, Xoolo aad u fara badan,  Kheyraadka Badda, iyo mid ciidda hoosteeda ceygaaga. Intaas oo kheyraad ahna waxay u baahan yihiin in si cilmiyeysan loo manaafacaadsado oo laga faa’iideysto. Waxaa loo baahan yahay in la helo aqoonyahanno waddaniyiin ah oo kheyraadka soo saara.

Sidoo kale, waddankeenna wuxuu u baahan yahay warshadeyn. Si khayraadka faraha badan loogu helo warshado mid kasta ku habboon.

Waagii berisamaadkii, waxaa jiray qorshe waxbarasho oo ku saleysan baahida waddanka, tusaale ahaan Ardeydii wax ku baran jirtay kulliyadaha Beeraha, Xannaannada Xoolaha, Caafimaadka, Waxbarshada iyo Jiooloojiga, in inta ay waxbarashada ku jiraan, tababarro loo geyn jiray goobihii ay ka shaqeyn lahaayeen marka ay soo qalin jebiyaan waxaana dhici jirtay marka ay soo qalin jebiyaan in hore laga shaqaleyn jiray ayna ka howl geli jireen goobihii ay ku habboonaayeen.

Waxaa kale oo qorshaha waxbarasho ka mid ahaa Dugsiyada farsamada gacanta oo kaalin weyn kaga jiray horumarinta Warshadeynta dalka kuwaasoo ay kasoo bixi jireen kaadirro Farsamoyaqaanno ah oo kaalin mug leh ka qaadan jiray dhinac kastoo farsamo ah.

Marna ma dhici jirin in Ardey Jaamacadda ka baxay uu suuqa shaqa la’aan wareegaaleysto, sababtoo ah Waxbarashadiisa ayaa ku saleysneyd inuu ku howl galo.

Haatan, Jaamacadaha faraha badan ardeyda ka soo baxda ma aha kuwo Waxbarashadoodu ku saleysan tahay Baahida dalka oo waxaad arkeysaa kumayaal ardey ah oo soo bartey ICT, kumayaal kale oo soo bartey Accounting, IWM! welina qarash badan uu uga baxay waxbarashadaas.

Runtii waa ardey wanaagsan oo wax soo bartey dadaalna muujiyay, laakiin aqoontaas  ay soo barteen hore ma loogu qorsheeyey in waddanku u baahan yahay oo la wada shaqaaleyn karo, sidoo kale  ma jirtay baahi ay u qabeen aqoontaas Shirkadaha iyo hey’adaha madaxa bannaan ee Dalka ka jira?. Waxaan oran karnaa ma jirin wax qorshe ah oo ku saabsanaa meeleynta tiro intaas la eg oo ardey ah.

Dhanka kale, lama haayo ardey ku filan oo kasoo qalin jebisay kulliyadihii uu dalku u baahnaa, tusaale ahaa: Xannaannada xoolaha oo kale, Takhaatiirta Cilmiga xoolaha aad bey u yar yihiin marka loo eego tirada Xoolaha Soomaaliya, imise takhtar oo ku soo takhasusay Cilmiga Daaweynta Xoolaha ayaa jooga dalka.

Tusaale kale: ma jiraan ardey soo baratay Kalluumeysiga iyo Aqoonta la xiriirta, haddey ahaan laheyd, Sameynta Doomanka, Shabaagta ama qalabka kalluunka lagu jillaabto.

Maaddaama uusan jirin Qorshe Waxbarasho oo ku saleysan baahida dalka, wax macno ah ma sameyneyso inay Jaamacadaha Soomaaliya ka furan ka soo qalin jebiyaan kumayaal ardey oo aan aqoontooda loo baahneyn, (mana doonayo inaan ka hadlo heerka aqooneed ee ay ardadu ka helayaan Jaamacadaha ay ka soo baxayaan).

Mar haddii aysan jirin baahi loo qabo aqoonta Ardeyda faraha badan ee ka soo baxda Jaamacadaha, waa caadi inay shaqo la’aan ku dhacdo, meel ay aadaanna waayaan, kaddibna ay ku fekeraan Tahriib.

Haddaba, si loogu abuuro shaqooyin dhallinyarada Soomaaliyeed, loogana joojiyo tahriibka waa in Hey’adaha shaqada ku leh Waxbarshada ay dejiyaan Qorshe Waxbarasho oo ku saleysan baahida dalka, si ardeygii jaamacadaha ka soo baxo uu u ahaado mid la sugay oo kaalintiisa shaqo buuxiya.

 

W.Q. Aweys Xuseen Shiine

awyeshiine@gmail.com

 

 

About Editor1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>