Breaking News
Home / Maqaallo / Maal-gashiga Dalkeenna

Maal-gashiga Dalkeenna

Axad, 08 May 2016

Maalgashiga oo macno badan leh ,haddii aan  qeexiddiisa soo koobno   waxa la oran karaa waa ayadoo  hanti (raasul’maal) loo adeegsado in lagu helo faa’iido badan, adeegsigana wuxuu noqon karaa in hantida loo jiheeyo wax ku qabasho,sida qodaal beereed, kalluumeysi, dhisid warshad, ka ganacsi badeeco baahideedu taagan tahay IWM, aydoo ay intaas oo dhan  ay ka sii horreyso u dejin qorshe daqiiq ah sida loo howlgelinayo Hantida iyo waxa maal-gashiga lagu sameynayo isla markaasna   odorosid lagu sameynayo natiijada ka soo bixi karta marka la howl geliyo hantida .

Faa’iidooyinka  Maal-gashiga

-Kordhinta wax soo saarka,taasoo keeneysa in uu kobco Dakhliga Dalka iyo sare u kac ku yimaada dakhliga  dadweynaha ,taasoo horseedeysa in ay hagaagto maciishadda shacabka.

-In  adeegyo wax  ku ool ah ay si wadajir ah u helaan muwaadiniinta iyo dadka maal-gashiga sameynaya.

-In muwaadiniintu  helaan fursado shaqo oo fara badan taasoo u suurto gelineysa iney noloshooda maareeyaan.

-Inay  hoos u dhacdo xaddiga shaqo la’aanta waddanka ka jirta

-In uu kordho dakhliga Dowladda

-In ay kordhaan tirada Aqoon-yahannada oo isugu jira Noocyada Takhasusyada uu dalka u baahan yahay

-In uu kordho xaddiga Wax soo saar ee dalka, muwaadiniintuna ay helaan Noocyo kala duwan ee Badeecooyin ah oo ka xaqab tirta baahidooda, wixii ka dheeri ahna dibedda loo dhoofiyo, taasina ay soo hoyso in Dalka ay soo gasho lacagta adag, kaddibna lagu soo iibiyo hadba wixii qalab wax soo saar ah ee loo baahan yahay.

Noocyada Maal-gashiga                   

Maal-gashigu wuu noocyo badan yahay ayadoo uu nooc kasta wado dabeecaddiisa iyo habkiisa, waxaana Tusaale ugu soo qaadan karnaa:-

  • Maal-gashiga Waddaniga ah
  • Maal-gashiga Ajnabiga ah
  • Maal-gashiga tooska ah
  • Maal-gashiga dadban
  • Maal-gashiga Maaliyadeed sida ayadoo la gato Mashaariic shaqeyneysa
  • Maal-gashiga lagu sameynaayo Aadamiga qudhiisa sida ayadoo kor loo qaadayo aqoontiisa iyo habka uu u shaqeynaayo.
  • Maal-gashiga Muddada gaaban sida ayadoo laga faa’iideysanayo Fursad degdeg ah.
  • Maal-gashiga Muddada fog sida ayadoo la maalgeliyo Mashruuc diyaarintiisu muddo dheer qaadaneyso inta aan wax soo saarkiisa la gaarin

Haddaba, haddii aan u soo noqono Dalkeenna Soomaaliya iyo maal-gashiga ay sameeyaan maal-qabeennada Soomaaliya waxaanu arkeynaa in aan looga faa’iideysan wejigii ugu habboonaa.

Runtii waa la oran karaa , maal-gashi ayaa ka billowday Dalka Soomaaliya, laakiin waa mid ceynkee ah?

Maal-gashiga ka hirgalay Soomaaliya xaddi ahaan aad buu u yar yahay, sida uu u badan yahayna waa mid shakhsi shakhsi ah ama qof kastaaba oo qarash heysta uu iska sameysanayo wixii uu is yiraahdo waxbaa kaa soo gelaya, taasina waa mid aan meel dheer tegeynin, haddii aan tusaale u soo qaadanno, dadbaa u arkey maal-gashiga in uu yahay  dhisid  Hotel weyn oo ay  gaar u leeyihiin si ay  qarash uga helaan  dadka dal-xiisayaasha ah ama Diasporaha  , waxaadna magaalada muqdisho ku arki Hoteello fara badan oo aaney jirin cid deggan iyo kuwo iska xiran, xitaa kuwa la deggan yahay , waxay u badan yihiin kuwo teel teel ah oo aaney muuqan iney si degdeg ah dib ugu soo celinayaan qarashkii lagu dhisay!

Maal-gashiga Dalkeenna lagu sameynayo iyo Muwaadiniinta Somaaliyeed ee doonaya iney waddankooda maal-gashi ku sameeyaan, waxaa u wanaagsan in ay iyagoo kooxo kooxo ah Shirkado u sameystaan ayna si wada jir ah wax u qabsadaan, waayo Somaalida kuma jiraan Maal-qabeenno waaweyn oo la siman Bill Geyts IWM, sidaasna arrintu waxay ku qurux badan tahay in ay sameysaataan Ra’sulmaal ama (capital) ay saamiley ka wada yihiin, keddibna ay darsaan baahida ka jirta Dalka hooyo oo u baahan in maal-gashi lagu sameeyo Mashaariicda dabooli karta baahidaas.

Haddii aan is weydiinno halkee ku habboon oo maal-gashi looga sameyn karaa Dalkeenna Somaliya, waxaa noo soo baxaya Jawaabo badan oo ah in meelo badan oo Somaliya ka mid ah maal-gashi lagu sameyn karo, waxaaba la oran karaa weli Somaliya maal-gashi dhab ah kama bilaaban.

Dalkeynna wuxuu leeyahay kheyraad aad u badan oo aan weli looga faa’iideysan sidii ugu habbooneyd, xitaa haddii 5% laga faa’iideysan lahaa ma dhacdeen in dalkeyna abaaro iyo macluul ka dhacdo, xiro qaxootina ay ka furmaan.

Runtii waa la yaab in dal webiyadiisu ay fatahayaan ayna badda biyahooda ku shubaya, isla markaasna leh dhulbeereed keyd ah oo malaayiin Hiktaar ah, haddana baahi ka dhacdo, dadkiisa ay baahi iyo harrad u dhintaan.

Waxaa Maal-gashi, lagu sameyn karaa, dhanka kheyraadka Badda, Beeraha, Xoolaha iyo Warshadeynta Dalka.

Haddii aan Tusaale kooban u soo qaato, laba Wabi ayaa dalkeyna marta, Wabiyaashaas fatahaado ayey sameeyaan, dad ayaa ku guryo beela, kuwana wey ku tacab beelaan, qaxooti ayeyna ku noqdaan meelo kale oo aaney hore u deign weligood, wabiyadaas, haddii loo sameeyo biyo xireenno waaweyn oo laga dhiso goobo ku habboon oo kala fog fog , waxaa suurtogal noqon laheyd in fataha webiyada yaraado , biyaha ay badda ku shubayaan ama bacaaddahana looga faa’iideysto dhul-beeraad aad u ballaaran,

Waxaa dhacdey in horraantii sanadihii lixdameeyadii qarnigii tegay, waaguu dalka Ra’iisul-wasaare ka ahaa Marxuum C/Rashiid Cali Sharma’arke, uu Wafdi Shiineys ah dalka yimid, keddibna ay booqasho ku tageen Degmada Jowhar, mid ka mid ahaa wafdiga Shiinaha oo khabiir ku ahaa Cilmiga Beeralaha ayaa indho-indheyn ku sameeyay beerihii halkaa ku yiil iyo faraha biyaha webiga shabeelle ee waraabiyaha beerahaas, keddib ayuu yiri: “Haddii talo leyga yeeli lahaa, halkan biyo xireen ayaa ka dhisi lahaa, waxaana ka soo saari lahaa Barii ku filan qaaradda Afrika oo dhan, waayo beerahaan waa halka ugu habboon oo bariis lagu tacbo”

Taladii khabiirkaas Shiineyska ahaa, weli cid hirgelisay ma laha in kasta oo todobaatameeyadii isla qarnigii tegay Jowhar laga dhisay biyo xireen yar, lana beeray Bariis cad oo loo yaqaan bariiska Jowhar.

Waxaa la maal-gashan karaa dhisidda biyo xireenno Istiraatiiji ah oo looga faa’iideysto beeraha sanadka oo dhan ama afarta xilli .

Waxaa maal-gashi lagu sameyn karaa fidinta beeraha ama ayadoo la ballaariyo dhulbeeraadka la tacbanayo, sida la sheego dhulka Somaliya waxaa ku habboon dhul beereed 8  milyan oo Hiktaar.

Waxaa maal-gashi lagu sameyn karaa, soo saaridda tacabka beeraha sida miraha, khudtadda IWM, ayadoo ay intaas sii garab socon karaa, waxyaabaha looga faa’iideysto beeraha sida Mashaariicda Shinnida iyo warshadeynta dalagga beeraha, haddey ahaan laheyd gasacadeynta khudradda, yaanyada IWM.

Genleyda oo kaliya haddii aan soo qadanno imise mashruuc  oo la maal-gashanayo ayaa lala la xiriir karta, genleyda jiriir iyo budo shiidan oo la baakeynayo ama la baceynayo ayaa laga sameyn karaa, mushruuc daango ayaa laga sameyn karaa, waxaa kale oo laga sameyn karaa mashruuc saliid looga miirayo miraha genleyda, waxaa kale oo la sameyn karaa mashruuc miraha galleyda looga sameynayo Jibis ama Mushaaryo IWM.

Sidoo kale , waxaa maal-gashi lagu sameyn karaa ka faa’iideysiga Xoolaha Soomaaliya, ayadoo loo sameynayo warshado kala duwan oo lagu farsameynayo kheyraadka Xoolaha , sida warshadeynta Caanaha oo laga soo saari karo waxyaabo fara badan sida sameynta subagga, farmaajada, Labeenta, Caana Fadhiya , Caanaha dhayda ah oo qasacadeysan ama dhalooyin ku xafidan  IWM.

Hilibka Xoolaha oo kala duwan oo la warshadeynayo isagoo noocyo kala duwan u kala baxa , isagoo la qasacadeynayo, isagoo frish ah, isagoo la qaboojinayo, isagoo la shiidayo IWM.

Hargaha Xoolaha oo haatan Somaliya dibadda ay u dhoofiso isagoo riqiis ah oo aan tayo laheyn, waa la warshadeyn karaa, waxyaabo aad u fara badan ayaana loo farsameyn karaa, sidoo kala laafaha, uuska  iyo dhiigga.

Kalluumeysiga si aad iyo aad ah ayaa isagana loo maal-gashan karaa, kaligiina wuxuu u baahan yahay, warshado tiro badan , sida warshadaha sameeya doomanka kala duwan ee lagu jillaabto, shabaagta kalluunka lagu dabo, gaanjada iyo qalabka kale ee wax lagu jillaabto, ayadoo ay intaas sii dheer tahay, farsameynta noocyada kala duwan ee kalluunka, sida tuunnaha, Yuumbiga, Daambiriga, qashaarka iyo Yaxaaska oo isagu laga helo dhegaha iyo hilib badan .

Isku soo xoori, maal-gashiga Dalkeyna , wuxuu door weyn ka ciyaari karaa in dalka si degdeg ah u hormaro, shacabka Somaliyana ay ka harto shaqo la’aanta iyo baahida, dhallinyaradana ay Tahriibka  ka joogaan, muwaadin kasta oo Somali ahna ay maciishaddiisu sare u kacdo.

 

W.Q. Aweys Xuseen Shiine

E-mail: aweyshiine@gmail.com

About Editor1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>