Breaking News
Home / Maqaallo / Taariikhda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ( 1960-2016)

Taariikhda Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ( 1960-2016)

3 May 2016 (MCRS) Soomaaliya wa dal aad  u fac wayn dhanka ganacsiga iyo lacagta, waxa uuna ganacsi la wadaagi jiray wadamada Carabta iyo wadanka Hindiya xiligii gumeysiga ka hor iyo kadib.Waqtigii ugu horesay waxaa magaalada Muqdisho laga furay  laamo bangiyo waxana lahaa dawladda  Talyaaniga oo xiligaa wadanka gumesanaysay ,bangiyadii ugu horeeyay ee laama Soomaaliya ka furtay waxa ka mid ahaa :

  • Tariikhda marki ay ahayd November 15, 1920 kii waxaa magaalada Muqdishu laan bangi ka furtay bangiga lagu magacaabo Banco de’Italia,waxa uu ahaa bangigii ugu horeyay ee laan ka furta magalada Muqdisho.
  • Sanadkii 1938 waxaa magaladada Muqdisho laan ka furtay bangi lagu magacabo Banco di Napoli.
  • Sanadka marku ahaa 1952 waxa marki ogu horesay waqooyiga Soomaaliya laan bangi ka furtay bangi lagu magacabo National Bank of India ( NBI ),waxa uu laamo ka furtay magaloyinka Hargeysa iyo Berbera ,wadanka Hindiya marka uu xornimada qatay waxa bangi lagu magacabo National and Grindlays uu laan ka furtay magaalada Muqdisho.
  • Sanadki 1940kii bangiga banco di’Italia  waxa  uu laamo ka furtay magaalooyinka Muqdisho, Marka iyo

Soomaaliya markii ay xornimada qaadatay 1 July ,1960 kii waxa la aas-aasay  Banco Nazionale Somala ( National Bank of Somalia ) , tariikhdu marki ay ahayd 8 Febraayo ,1975 dawladdii kacaanka ee Soomaaliya waxa ay  badashay magacii bangiga Qaranka Soomaaliya waxan lagu badalay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya ( Central Bank of Somalia).

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (1960-1991)

Shaqooyinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu dalka u qaban jiray shaqooyin aad u badan, lakiin hada shaqooyinkii badnaa ma jiraan ,  inkastoo sanadahaan danbe horumar iyo isbadal badal weyn sameynayo, bangigu waxa uu xirnaa muda 25 sano ah waa uuna burburay ,waxana dib loo furay sanadkii 2010.

Qaar kamid ah shaqooyinka bangiga u qaban jiray waa kuwan hoos ku qoran:

  • Waxa lagu keydiyaa lacagta dalka.
  • Waxa uu ilaaliya lacagta dalka uu leeyahay.
  • Waxa uu kantaroolaa dhaqdhaqaaqa Dhaqaalaha iyo Ganacsiga.
  • Waxa uu ka hortagaa sicir bararka iyo hoos udhaca dhaqaalaha.

Bangiga hada waxa lagu keydiyaa lacagaha dawlada ka soo gala canshuuraha iyo deeqaha dibada uga yimaada dawlada , sidoo kale bangiga waxa uu bixiyaa mushaaraadka shaqaalaha dawladda oo idil iyo kharashaadka guud ee dawladda Soomaaliya.

Ujeedooyinka Bangiga Dhexe ee Soomaaliya uu leeyahay

 Bangiga Dhexe ee Soomaaliya waxa uu leyahay ujeedoyin uu hiigsanaya in uu gaaro mustaqbalka dhaw, qaar kamid ahna hadda u gaaray ,waxana ka mid ah ujeedoyinkaas:

  • Hormarinta Dhaqaalaha dalka.
  • Ilaalinta lacagta dalka iyo soo celinta qiimihi ay laheyd lacagta dalka.
  • Hormarinta hab maaliyadeedka dalka.
  • Shaqa abuurista iyo kor u qaadista ganacsiga yaryar.

Ujeedooyinka bangiga dhexe ee soomaaliya intaas way ka badanyihiin, lakiin waan soo koobay.

Bangiga waxa u ahaa mid si rasmi ah u maamula dhaqaalaha dalka.lacagta Soomaaliya wax ay lahayd   qiimo aad u wayn xiligii madaxweyne Maxmed  Siyaad Bare, waxaana si xoog leh u shaqeynayay Bangiga Dhexe Soomaaliya.Sanadii 1990kii waxa  burburtay dawladi dhexe ee Soomaaliya  sidoo kalena waxana burburay Bangigii Dhexe Soomaaliya.Bangiga Soomaaliya waxa u uu dawr weyn ka ciyaaray dhaqaalaha iyo ganacsiga wadankeena Soomaaliya. Lacagta shillin Soomaaliga  waa lacag laga isticmaalo dalka Soomaaliya,  waxa uu Bangiga  dhexe soo saaray lacagta shillin Soomaaliga tariikhda markii ay hayd 1962dii ,markaa ka  hor waxaa la isticmaali jiray  lacagta Talyaaniga .

Waxaa  laga istcmaali jiray shillinka Soomaaliga , 1000 shillin , 100 shillin,500 shillin, badanaa lama adeegsan jirin  Kummi , Taano , Shiillin , 5 shillin ,10 shillin, 20 shillin , 50 shillin.

Qaar kamid ah muqaalka lacagta Soomaaliya, shanta boqol hadda lama isticmalo , waxa kali oo la isticmalaa kunka shillin.

Shan boqol shillin( 500 shillin)

Kun shillin ( 100 shillin)

Tariikhda qaar kamid ah Gudoomiyayashii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya

Dr Cabdi Sheekh Aadan

Gudoomiyihii ugu horeyay ee Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  waxa u ahaa -Allahha u naxariistee- Dr.Cabdi Sheekh Aadan. Dr.Cabdi  waxa uu dhashay  sanadki 1923-dii waxa uu ku dhashay degmada Buur-hakabo ee Gobalka Baay,waxa uu ku soo barbaaray magaalada Muqdisho kuna  bartay quraanka kariimka ah, sidoo kale waxa uu ku dhameestay waxbarashadisa dugsiga Hoose/Dhexe  iyo Sare.

Sanadki 1950kii waxa loogu qaday waxbarasho heer jaamacadeed dalka Talyaaniga, waxana  u ku soo diyaariyay kulliyada Cilmiga Siyaasadda isagoo dalka ku soo laabtay sanadkii 1957. Sanadki 1960 ilaa 1964 tii waxa u ahaa gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.

Bashiir Ciise Cali Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  waxa uu ku dhashay magalada Garowe ,waxa uu waxbarashadisa Hoose iyo Dhexe  ku qaatay magalada Garowe ee Gobolka Nugaal isaga oo tacliinta sare ku qaatay magalada Muqdisho, waxa uu markii danbe adaay dalka Kenya iyo ingiriiska halkaas ayu waxbarashadisa heerka jamacadeed ku qaatay ilaa heerka master ka .

 

 

 

Bashiir Ciise waxa u soo noqday gudoomiyo laamaha  bangigu ku lahaa magalooyinka  Qardho,Boosaaso ,Hargeysa,Kismaayo iyo magalada Marka.Waxa uu  soo noqday agaasimihii guud ee  Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  iyo gudoomiye ku xigeenkii bangiga dhexe sanadki 1980kii.

Bashiir ciise  waxa uu noqday gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya sanadihii 2006 ilaa 2010 kii, sanadkii 2006  waxaa wadanka  madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed lakiin sanadki 2010kii waxa madaxweyne ka aha madaxweyne Sheekh Shariif  Sheikh Axmed.

Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (2016)

Bashiir Ciise waxa uu soo noqday guudoomiye ku xigeenkii Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  sanadihi 1981 Ilaa 1988 kii.sidokale waxa uu soo noqday guudoomihii Bangigii Ganacsiga iyo Keydka Soomaaliya sanadihii  1976 ilaa 1981.

Yusra Aadan Abraar Yusra Aadan  Abraar  waxa ay ku dhalatay waqooyiga Soomaaliya gaar ahaan magaalada Boorama , waxa loo qaaday  wadanka Maraynkan ayadoo yar halkaas ayayna waxabarashada Hoose ,Dhexe  iyo Sare ku  soo qaadatay , waxbarashada heerka jaamacadeed waxa ay ku soo qadatay isla dalka maraykanka jaamacada lagu magacaabo Oklahoma State University  waxa ay kaloo ku diyaarisay isla jamacdaa masterka qeybta MBA.

Yusra  Aadan Abraar

Yusra waxa ay khibrad 30 sano ah u leedahay maamulida Bangiyada,Maareynta khataraha iyo Caymiska.Yusra waxa ay gudoomiya ku xigeen ka soo noqotay shirkad wadanka maraynka laga leeyahay oo lagu magacaabo Citygroup.Yusra  Aadan  waxa ay noqotay haweenaydii ugu horeesay ee madax ka noqota   Bangiga Dhexe ee Soomaaliya  tariikhda marki ay aheyd 13 September,2013 kii. Yusra  Aadan Abraar waxa ay xilka gudoomiyanima ee bangiga iska casishey tariikhdu marki ku beegnayd  1 November,2013.

Cabdisalaam Cumar Hadliye

Gudoomiyihi  Bangiga Dhexe ee Soomaaliya sanadki 2013 waxaa uu ahaa Cabdisalaam Cumar Hadliye waxana loo magacabay bangiga tariikhda marki ay ahayd  17 january,2013 , Waxana xilka laga qaday tariikhda marki ay ahayd 13 september 2013.

Cabdisalaam Cumar Hadliye

Cabdisalaan Cumar Hadliye waxa uu dhashay sanadki 1954 ,waxa uu kudhashay waqooyiga Soomaaliya gobolka Awdal, da’disa marki ahed 16 sano waxa loo qaday wadanka mareykanka,waxa u u waxabarashadiisa dugsiga Sare ku diyaariyay Boston college .

waxa u jaamacadda ka bartay cilmiga Dhaqaalaha, waxa u ka qalin jabiyay boston college sanadi 1976, afar sano kadib waxa u diyaariyay darajada masterka  qebta Maamulka iyo Maareynta waxa u kadiyaariyay jaamacada  Oklahoma  State University.

waxa uu inbadan ka so dhax shaqeeyay  Mareykanka.Waxa u sidoo kale  ka soo  shaqeeyay  Hay’adaha Qaramada midoobay sida UNDP iyo Bangigaga Aduunka ( World  Bank).Cabdisalaan Cumar  waxa u hada yahay wasiirka arimaha dibada ee Soomaaliya waxana lo magacaabay tariikhda markay ahayd  6 February 2015.

Xigasho: Maqaalkaan xogta qeyb kamid ah waxaan ka soo xigtay bangiga dhexe ee Soomaaliya.

W/Q: Abdirahman hajji Ali

hikam773@gmail.com  / hikam1010@gmail.com

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>