Breaking News
Home / Maqaallo / Shirka Jowhar Malaga Filan karaa Cadaalad?

Shirka Jowhar Malaga Filan karaa Cadaalad?

13 April 2016 (MCRS) “Hadii aanad baabi’in Karin Cadaaladdarro, Ugu Yaraan Ogeysii Qof Walbaa Cadaaladdarrada Jirtaaa”. Shirin Ebadi
Arrimaha Hortaagan Nabadda iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn waxaa ka mid ah Cadaalad darrada, qabyaaladda iyo xagjirnimada. Saddexdaas cudur ee isa suran oo aan xal loo helinna Sheekadu Waxa ay taagnaan “Faanoole, Fari Kama Qodna” suuroobimeysana in dadnimo iyo dowladnimo toona la Helo. Nolosha Qalafsan ee Maanta Lagu Noolyahay Ogaalkey Markaan Siyaabo kala duwan u baandheeyey una Sarifay Waxaan arkay in Cadaalad Darradu aheyd, maantuna tahay Biyihii lagu waraabiyey Geedkii Lagu Wada Sumoobay ee inaga dhigay Bulsho Wada dad Qal ah!.
Dhabtii Waxaa Maadeys ah Filashada Nabad, Barwaaqo & Horumar iyadoo ay Maqan tahay Cadaalad taas badalkeedana Waxaa Gobanimo ah Sida uu sheegay Caalimkii weeynaa ee Cilmi Nafsiga Mudane Sigmund Frued in Dalabaadka ugu horeeya ee Ilbaxnimadu rabtaa tahay Cadaalad.
Hadaba Unkida wax walbaa Waxaa Hooyo u ah Cadaalad Sida inoo Muuqatana Iska daa Jowhar oo laga fishaa Cadaalad’e Waxaa Dalkan oo idil umuhanayaa Cadaalad & Xaqsoor Qaran oo ay Yeelato Soomaaliyada Cusub.
Qofka Soomaaliga ah Intii uu jirayba Waxaa ka Maqnaa Nabad. Sooyaalka Soomaalida Waxaa Dhif ah Soomaali Iyaduna iska nabad gashay Lagana Nabadgalay haba ugu darnaatee intii burburku jiray. Nabadda & Cadaalada Waa laba dhinac ee hal shilin Inta ay Cadaalad maqan tahayna waxaa Maqnaan Doona Nabad Meel aanay Nabadi Jirina Nolol ma jirto!.
Shirka Jowhar oo Shactiradiisu socoto wuxuu noqon doonaa Ruwaayad hadii aan loo marsiin Guud ahaan Nidaamka Socda Wadadii saxneyd ee Xaqsoorku, Cadaalada iyo Sooyaalka ku Dhisneyd. Waxaa Maqan Sharciga iyo Xuquuqda Qofka Hadii xuquuqda qofku maqan tahayna, sharciguna wuu maqan yahay, sidaa si la mid ahna hadii sharcigu maqan yahay xuquuqda qofkuna waa ay maqnaan. Sidoo kale xuquuq sharci ah iyo sharci xaq ah, isma duudsiyaan. Mana jiro wax u dhexeeya, in labaduba wada joogaan ama wada maqnaadaan.
Sida lawada ogyahay Caqligu waa agabka uu aadanaha kaga duwan yahay Xayawaanka Sidaa darteed Waxaanan aadane Caaqil ah lagu tilmaami Karin Qofka Heshiis ka hormariya Wada noolaasho Waxaana suurogal aheyn in lawada noolaado ayadoo aan heshiis lagu aheyn Nolosha!.
Qadarta Eebe ayaa sababtay in la inalagu maneysto Hoggaamiyeyaal la mid ah Cayayaanka oo dadka ku kornool. Hoggaamiyaha Cayayaanka ahi shaqadiisu waxeey tahay been abuur, Kala Qeybin, Dabshidis, Musuq, Qiyaano & Cadli la’aanba Yeelkadeede Waxaanan la aqoon meesha uu ku dambeyn doono Hoggaamiyaha noocaas ah. Cumar bin khadaab baa lahaa “Waan Xukumay, Markaasaan Cadaalad Sameeyey, Markaasaan Amaan helay, Markaasaan Seexday” Hoggaaminta ku dhisan Fuleynimo, Xaqsoor la’aan, Cadli la’aan, Masuuliyad darro Waxaa sugeysa sida Sooyaalka Dunida inoo sheegayo Fashil, Qoomamo iyo Guul darro weyn!.
Maanta Waxaa loo baahan yahay Dib u heshiisiin, Nabadeyn, Is cafis, Samir iyo Wadahadal Joogto ah markaa kadib ayaa cagta lasaari karayaa Dhisida Nolol Barwaaqo leh oo waarta. Maanta waxaa loo baahan yahay Joojinta Dulmiga, Cadli la’aanta iyo Xumaha Markaas kadib ayaa la isku darsan karaa Mustaqbal siduu doono ha u ekaado’e. Dadka Geesiyaasha ahi kama Cabsadaan in ay dadku u cafiyaan, Si Nabad loo helo. Maanta Waxa Waxwalba ka horeeya Waa Dib u heshiisiin, Wadahadal, Wada Xaajood, Is cafin, iyo Walaaleyn. Dad aan heshiis aheyni Gudcurka iyo Mugdiga Nolosha kama bixi karaan.
Ugu Dambeyntii Waxaa berri hore la yiri “Talo Doqon, Taag darro ayey u dhacdaa” Talooyinka Doqon keentada ah waxaa Qaata Dadka Maangaabka ah Waxwalba oo aan loo marin Dariiqadii saxda aheyd loona adeegsan Aaladahii ku haboonaa oo Cadaaladu Hooyo u tahay Waxey ku dambeyn doonaan Fadhiidnimo sida ka taagan Cadaado, Baydhabo & Kismaayo!. In gadaal wax laga garto waa ay ka wanaagsan tahay in doqonniino lagu daa´imo Waligeed Sidaa darteed waxaan Leeyahay Gaariga Wadada yaanan laga ridin oo Dariiq Qaldan la Qaadin Waayo Ma jirto Xanuun & Dhib ka weyni in Qalad la saxo!.
Dhidibkeynu taagniyo
Dhismihii adkaan jirey
Inaan kala dhantaallaa
Dheg-xumiyo yaab iyo
Talo dhacantey weeyee
Dhaxdin baan wadaagnee
Aayaha dhasheeniyo
Midnimada ma-dhowrnaa
Cabdi Qeys

W/Q: Axmed Rooble

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>