Breaking News
Home / Maqaallo / Soomaaliya (Ummad wada hoggaamiyeyaal ah )

Soomaaliya (Ummad wada hoggaamiyeyaal ah )

Muqdisho (MCRS) 31 Mar. 2016 – Soomaaliya waxay soo martay marxalado kala duwan oo lahaa hoggaan kooban oo la tirin kara , tusaale  waxaan u soo qaadan karnaa madaxweynayaashii dalka soo maray ka hor burburkii dalka  ka dhacay  ee horraantii sagaashameeyadii , wixii markaas ka danbeeyey waxaa soo baxay hoggaamiyeyaal tira badan kuwaasoo ay tayadooda ama waxqabadkooda  aad u liidatay  , dadka oo dhan kuma baraarugsanayn  inay  ummad hoggaamin karaan .

Laga soo billaaba xilligii burburka ee  la riday madaxweynihii hore ee soomaaliya  Maxamed Siyaad Barre  waxaa soo baxay  hoggaamiyeyaal isu arkayey inay dadka iyo dalka wax u qaban karaan  balse ma aysan dhicin , waxaana arrintaas loo aaneynayey u dhammaansha la’aanta dadka ay hoggaamin lahaayeen arintaasna waxay sababtay in dalka uu kala burbura oo ay dhismaan maamullo midabba badan oo qabiil ku salaysan sida Somaliland iyo Puntland  waxana taa ay keentay in qof walba hoggaan is mooda ,  marka  aad eegto maamulladaas waxaa ka soo baxay dad badan oo hoggaamiyeyaal ah oo isu haysta in iyaga ay ku wanaagsan tahay inay hogaamiyaan dalka , waxaa meelaha qaar looga dhawaaqay Axsaab  xisbi walba  qofka hoggaamiya uu isu arkayey in uu yahay hoggaanka dhabta ah ee dalka hogaamin kara , arinta waa ay sii socotay oo waxaa batay hoggaamiyeyaasha dalka, waxaa samaysmay maamulo gaar ah  kuwa hadda la baxay  Jubaland, Koonfur galbeed, Hiiraan iyo shabellaha dhexe oo aan weli dhismin, Galmudug  iyo kuwa kale oo fara badan  oo ay ku dhowdahay in guri kasta uu yeesha maamul la magac bixi doona gurigeyga land . soo xaalku maahan guri walba maamul u gaar ah ha yeesha maamulkaas oo is mooda madaxweynaha dalka.

Maamulladaas dhammaantood  waxay  ayagana soo saareen ama ay soo saari doonaan hoggaamiyeyaal cusub,  hoggaamiye kasta wuxuu isu arki inuu yahay qofka ugu habboon ee  dalkan hoggaamin kara , waxaa faraha ka baxay maamullada la dhisaya taasoo  sii badineysa  hoggaamiyeyaasha dalka.

Markaad dhageysata  idaacadaha ama warbaahinta qeybaheeda kala duwan waxaad maqleysaa hoggaamiye ku faanaya inuu wax qabtay ama uu dalka wax u qabanayo  ayadoo  dalka xaaladdiisa ay sii xumaaneysa,  ayna jiraan dhibaatooyin fara badan oo isugu jira  gaajo, waxbarasha la’aan, caafimaad darro iyo shaqo la’aan  . hoggaan kasta waxa uu ballan qaadaa inuu dadka wax u qabanayo inta uusan xilkaas qaban balse arrintaas ma dhacda.

Hoggaamiyeyaashaas waxaa waardiyeeya  hoggaamiyaal aan dalka u dhalan , kuwaasi oo ka soo horjeeda danta caamka ah ee dadka iyo dalka Soomaaliyeed, waxay warbixinnada la wadaagaan  hoggaamiyeyaasha ay ka amar qaataan ee aan ka soo jeedin dalka  kuwaasi oo ay danahooda tahay burburka dalka iyo kala qoqobnaanta .

Waxaad maqleysaa waxaa dhacay shir iyo waa la isku af fahmi waayey, dagaal ayaa dhacay,  intaas ayaan maamul hebel ka dilnay iyo hadala kale oo aan micno lahayn isla markaasna dib u dhigaya horumarka dadka iyo dalka.Dadka Soomaaliyeed waa ay wada dhasheen, waa  ilma adeer, ilma abti, qaraabo iyo rixin aan kala maarmin, waa dad daaqa iyo biyaha wadaaga,  hogaamiyaasha maaullada jira waxay caan ku noqdeen warbaahinta oo loo kala orda  si  loo sii buun buuniyo is fahmi waaga jira loona marin habaabiya dadka Soomaaliyeed.

Shacabka Soomaaliyeed ee la soo marsiiyey dhibaatadaas faraha badan iyo hoggaan xumida isla markaasna noqday kuwa shaqo la’aan ah waxay iyagana shaqo ka dhigteen garab siinta hoggaamiyaashaas tirada badan iyo taageeridooda waxaana la dhihi karaa maanta sida ay u bateen hoggaamiyaasha in hoggaamiye kasta ay ku soo aadeysa  qiyaastii 50 qof oo ah qaraabadiisa  ama uu lacag siiyey .

Soomaalida waxay ku maah maahdaa dherigii fara bataa waa uu fuut xaraarshaa, waxaa soo baxaya xaafado leh madaxweynayaal fara badan, qof kasta isaga ayaa awood isla leh waxaana meesha ka sii baxaya tayadii dalka uu lahaa, waxaana noqoneynaa dal dhinacya badan loo kala jiita, taasina waxay meesha ka saari kartaa jiritaan shacab soomaali la yiraahdo.

Soomaaliya dhibaatada maanta ay ku jirta oo ah  in hoggaamiye kasta uu sameysta saaxib xun oo diinta, dalka iyo dadka cadaw ku ah  haddana uu ku faano  in ay daris yihiin  waxa u keenay waa madaxnimo jacaylka . Hoggaamiye tuula ama xaafad madax ka ah ayaa heshiis la galaya dalal kale , heshiisyadaas oo noqon kara kuwa aan dan u ahayn dadka soomaaliyeed, waxaad maqleysaa hoggaamiye tuuleed ku faanaya in tuuladiisa ay ka kooban tahay  degmooyin badan sidoo kale waxaad arkaysaa hogaamiye ku faanaya dadkiisa in ay leeyihiin quwad aysan lahayn  kuwa kale . waxaas oo dhan marka la isku dara waxaa soo baxaaya bur bur horumarna laguma gaari kara.

sidaas darteed, waxaa habboon in dadka soomaaliyeed ay is daba qabtaan oo ay isu tanaasulaan. Soomaaliya  uma baahna hoggaamiyaal badan waxay u baahan tahay  hoggaamiye kaliya  kaas oo u naxaaya dadka soomaaliyeed  una hiillinaya diinteenna sharfta leh  isla markaasna neceb wax kasta oo u danaynaya cid kasta oo danaynaysa in ay dalkeenan gumeysato, waxaan nahay dad yar oo leh, diin, dhaqan iyo luqad isku mid ah , soomaalida waaa dad 100/% islaam ah waa dad aad u yar oo leh dhul aad u ballaaran  haddii dadka soomaaliyeed ay isu tanaasulaan  daacadna u noqdaan dalkooda waxaa min raas casayr iyo raas kambooni  xukumi kara hal shaqsi .

Haddaba soomaaliyey aan is daba qabana ma noqon karno dhammaanteen hoggaamiyeyaal  ee waa in aan noqonaa la hoggaamiyeyaal. Su’aashu waxay tahay haddii  dadkii oo dhan ay hoggaamiyeyaal wada noqdaan yaa la hoggaamin doonaa ?

 

W/Q:  Axmed Cabdi Xasan (Ashraf)

E-mail: ashrafsom@gmail.com

 

About Editor1

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>