Breaking News
Home / Maqaallo / Maxeey isku Hayaan Hiiraan & Dowladda Federaalka ah?

Maxeey isku Hayaan Hiiraan & Dowladda Federaalka ah?

20 Maarso 2016 (MCRS) 12kii Febraayo Dowladda Federaalka Madaxweyneheeda, Wasiiro, Odayaal, Gudoomiyeyaasha Gobalada Hiiraan & Sh/Dhexe iyo Siyaasiyiin dhowr ah ayaa jowhar ka furay Shir Lagu sheegay in Maamul Loogu dhisayo Gobalada Hiiraan & Sh/Dhexe oo ka haray dhameystirka Hanaanka Federaalka Dalka. Madasha Shirka oo Dowladu iclaamisay ayaa aheyd arin lala yaabay waxaa sidoo kale aad loola fajacay in Caasimadu dowladda u magacowdo degmadda B/Burte ee Gobalka hiiraan. Maamuladii hore uga dhismay dalka ee Koonfur Galbeed iyo Jubbaland wax awaamiir ah iyo go,aano ay dowladdu hor dhigtay ma jirin oo xitaa ma aysan ogoleyn qaabka loo dhisay. Dowladdu iyadoo hareermartay ayay isku dayday inay sida ay doonto ka yeesho dhismaha maamuleed ee gobaladaas. Nasiib Wanaag waxaa yimid ishortaag xaq ah oo dadku ay ka galeen arrimaha qalafsan ee socday. Su’aasha curisay Maqaalkan ayaa ah Maxay Isku Hayaan Dowladda & Reer Hiiraan?

Fahamka Dadka, Dowladnimadda, Dhaqanka iyo Adeegsiga Xeelado casriyeysan la’aantood ayaa ka dhigtay dhismaha Maamulkaa mid fashil ku idlaada. Dowladdu waxay durbadiiba ku fashilantay soo celinta kalsoonida shacabka dalka. Dhismihii maamulada Koonfur Galbeed, Juba wax weyn oo saameyn ah kuma aysan laheyn. Waxaa dowladdu ay Iyadoo aanay jirin Wadahadalo iyo Waan Waan dhistay Gal Mudug oo Dastuur ahaan ah Gobol iyo Nus Dhulkaa oo badankiis ay heysato Ahlu Sunna. Waxaa Maantana Maqan Talo Wadaagii, Wadahadaladi iyo Buuxinta Baahida Bulshada.

Maxeey Rabaan Reer Hiiraan:

Guud ahaan Bulshada Hiiraan Waxeey rabaan Cadaalad. Cadaaladu waxeey baroosin u tahay howl walba oo la qabanayo. Waxaanan cadaalad aheyn sida la sheegay in afduubida lagula kacay guud ahaan hanaankii maamul dhisida oo loo jeediyey qaab aanan sharci, qanaaco iyo niyad sami ku dhisneyn. Cadaalad darado ayaa dowladdi rayidka laga tabanayaa qaabka loo dhisay gobaladii dalka maantana in Hiiraan oo Xoriyadii dalka cod weyn ku laheyd keenideeda kana yimaadeen halyeeyo qaran inaan la dhageysan oo la boobo masiirkoodi waxeey cadeyneysaa sida dalka iyo dadkuba u noqdeen kuwa aanan ka shaqeyn dan Qaran balse mid Qofeed ama Qabiil. Qaladaadka ugu culus ee ay dowladu ka gashay dadka deegaankaa waxeey aheyd in maanta oo 2016ka ah ay Gudoomiye ku Magacowday Hogaamiye Kooxeed si ay ugu daneystaan. Sida laga soo xiganayo Odayaasha, Duubabka, iyo Ugaasyada waxaa muhiim ah in marka hore la fidiyo gogol nabadeed, heshiisiin iyo Nabadeyn. Intaa kadibna rabitaanka dadka wax lagu dhiso. Rabitaanka dadku wuxuu noqon karaa 1) In Hiiraan Gooni u istaagto 2) Inay Hiiraan Maamul la wadaagto Sh/Dhexe 3) Inay Dowladda dhexe hoos tagto ilaa 2 sanadood. Rabitaanka shacabka intaaba wuu ka duwanaan karaa balse waxaa mudan in la adeeco rabitaankaas. Dowladdu waxaa ugu nugleyd ee awaamiirteeda adeeci jiray reer hiiraan hadeysan caqliga, maalka iyo dadaalka ugu badan gelinin waxaa hubanti ah inay lumin doonto Cod Qiime badan oo Muhiim u ah. Aayaha dadka degen gobaladan oo si wanaagsan loo afgartaa, diiradana loo saaraa waxey ka muhiimsan tahay Doorashada Dalka ka dhici doonta. Qancinta Dadka Gobalkan ayaa ka dhigan Qancin keeni karta Guulo waaweyn oo ay dowladda kusoo afmeerto Waqtiga yar ee uga haray Xukunka Dalka.

 

Maxeey Rabtaa Dowladda:

Doorka Dowladdu waxuu isugu jiray mid togan iyo mid tabanba. Dowladdu waxey isku dayeysay inay ka qeyb qaadato xoreynta gobalka hiiraan, dhisida Maamul wanaagsan iyo rajo soo celinta iyadoo kaashaneysa saaxibada ay ku leedahay gobalka. Doorkaa oo ahaa mid quman ayaa hadana waxaa uu lahaa iin badan oo aad u fool xun tusaale dowladdu inay dib u caleemo saarto Hogaamiye Kooxeed cusub waxey aheyd qaladkii ugu weynaa ee ay gashay taas oo ka dhigeysa inaysan waxba is dhaamin dowladda iyo Hogaamiye Kooxeedyadii hore ee qaska ka waday dalka. Dowladdu waxeey awood u laheyd inay maamul u magacowdo Hiiraan, Sh/Dhexe iyo Gobalada Koonfur Galbeed ka hor dhismaha maamulka Koonfur Galbeed. Waxaa isbad badal badnaa dhismihii maamul ee gobalka hiiraan oo ay ilaa tiro 3 jeer bedeshay. Waxaa isweeydiin leh siyaasadda ku dhisan badalkaas iyo sababta keentay in la waayo shaqsiyaad Aqoon, Waayo aragnimo iyo Caqli dowladeed leh oo ay u dhiibto gobalkaa?

Waxaanan la garan kareyn waxa dowladdu rabto iyo sida ay wax u wado tusaale Booqashadii Madaxweyne Xasan ee fashilka ku dhamaatay waxuusan la imaan aragti ka gadmi karta bulshada taas oo ina tusineysa sida uu humaag uga jiro rabitaanka dowladda. Magacaabida gogosaha shirka, Caasimada maamulka ayaa iyada muujineysa sida aysan u jirin siyaasad caqli iyo miyir qab ku dhisan oo ku aadan gobaladan.

Maxuu Xalku Yahay:

Xaalada murjisan ee hadda jirta waxaa sii adkeynaya doorka dowladda oo weli aan daahir ahayn kaas oo ah mid ay daneysi shaqsiyadeed ka dhex muuqato. Xalku wuxuu yahay in dowladda ka noqoto magaaciba gogosha shirka, Caasimadda dibna ugu celiso talada shacabka waayo horeba uma aysan sameynin dowladda caasimada maamulka Juba, Koonfur Galbeed, iyo Puntland waxaa go’aankeeda leh dhamaan Bulshada degen deegaanadaas. Iyaga ayaa laga rabaa in ay la yimaadaan caqli, Kasmo iyo xal ka yimaado iyaga. Dadka ayaa leh Masiirka, talada, Go’aanada lagu sameyno wax walba oo ay dadku leeyihiin.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>