Breaking News
Home / Maqaallo / Doorka Bulshada Rayidka ee Dalka: Ma Gaabis Mise Gabaabsi?

Doorka Bulshada Rayidka ee Dalka: Ma Gaabis Mise Gabaabsi?

27 Janaayo 2016 (MCRS) Bulshada Rayidka ah waxaa lagu qeexaa dad isugu yimid feker, shaqo iyo howl aanan maciishad-doon aheyn oo dantoodu tahay wacyigelinta iyo horumarinta bulshada. Bulshada Rayidka waa garabka saddexaad marka laga tago Dowladda iyo Ganacsiga oo dantoodu tahay mid loo igmaday kuna daaban Faa’ido iyo Masuuliyad uu la socdo isla xisaabtan. Eregyga bulsho rayid ah wuxuu dib ugu noqonayaa Waqtigii Iftiinka iyo Xoriyada ee reer Galbeedka oo Aristotle, Cicero, Gariigii iyo Roomaanki hore  ayaa leh xiriir, is uruursi ayaa ka kooban guud ahaan xirfadleyda iyo bulshada noocyadeeda kala duwan Sida Kuwo isugu yimid Xirfad, Shaqaale ama Mihnado, Diimaha, Dhalinyaro iyo Isboorti, Xuquuqul Insaanka iyo kuwo kaleba. Astaamaha lagu garankaro waxaa ka mid ah Isbaheysiga, Ilaalinta danta Guud ee Bulshada iyo Ku Hirashada waxa Quruxda badan sida bulshadaas ey u aragto. Waayo badan ayey soo martay fekrada bulshada rayidka ah oo waqtigii hore bulshada rayidka ah qeyb ayey ka aheyd Dowladda oo howlaha ay qaban jireen waxaa ka mid ahaa xalinta dhibta bulsho markaa heysata lagu xalinayo si dood ah, Caqli iyo aragti ah dabadeedna loo badalayo sharciyad. Waayadii dhexe waxaa meesha ka baxay aragtida ururo bulsho rayid ah waxaana ay soo labokacleysay markii Diimaha galbeedka laga soocay kaniisada oo madaxa kaga fadhiday Dowladnimdda. Ugu dambeyn waxey waayo soo martaba waxey si xoog badan uga jirtay dunida muddadi qarniga aheyd ee lasoo dhaafay waxaana buuriyey cilmiga oo kordhay, aqoonta iyo xoriyada oo hogaanka u qabtay bulshada taa oo keentay in awooda loo soo celiyo shacabka. Waxyaabaha kale oo kobciyey waxaa ka mid ahaan kacaankii faransiiska oo halheyskiisu ahaa sinnaasho, Xuquuq iyo walaalnimo. Shaqooyinka ugu horeeyo ee asaaska u ah waxaa ka mid ah Wacyigelin iyo Sharciyeynta doodahaas. Sirta Dowladnimo ee casriga ah ayaa ah Dowlad Sharciyad leh, Suuq Xor ah iyo Bulsho Rayid ah. Bulsho rayid ah waxaa  salkeedu yahay helida feker lagu wada hirto oo xor ah kaas oo ku dhisan mabaadii hufan oo caafimaad qabta loona soo gudbiyo si nabad ah. Ururada bulsheed waa kuwo muwaadiniinta u suurogeliya wadaagida waajibaadka wanaagsan ee ku dhisan is xukun furan oo ah in la xukumi karo uu waxna xukumi karo muwaadinka. Marka la isla helo bulsho, xukuumad iyo suuq xora oo si wanaagsan isula jaanqaada waxaa sahlanaaneysa in la helo nolosha qurxoon ee bulsho raadineyso. Hadii aanan la helin heshiiskaa waxaa imaanaya isku dhac iyo jahwareer badan. Marka shaqada bulshada rayidka oo ah fekrad iibin, axzaab, ololeyn iyo waxqabad bilaash ah ay meesha ka baxdo waxaa imaaneysa sida hada aan aragno in bulsho rayid la waayo ama aysan jirin waxaana sababaya in mashruuc ay noqoto howsha ugu weyn ee la qabanayo. Bulshada rayidka waxey ka madaxbanaan yihiin sidaan hore u soo sheegnayba dowladda mana aha siyaasiyiin balse waxey u ololeeyaan nolol wanaagsan sida in shaqooyin la abuuro, cadaalad in la helo,  sinaanta, horumarinta tacliinta, nadaafada iyo taakuleynta shacabka taagta daran.  Doorka Bulshada Rayidka ah ee dalka wuxuu ahaa mid daciif ah ka hor xukunkii foosha xumaa ee kaligii taliska Siyaad barre iyo kadiba. Shacabka Qabiiliga ah wuxuu badanaa yahay mid aysan ururada noocaan ah ku guuleysanin Sida Liibiya, Yemen iyo Anigoon ka reebin Dalkeena. Wada shaqeyn madax banana ma jirto oo ka dhexeysa labada dhinac ee shacabka iyo dowladda. Waxaa adag in ay Muuqato doorka ay leeyihiin ururo ka dhisan dalal dagaal ka soo doog ah dalkeena oo kale. Ururada noocaan ah ayaana la yiraahdaa waxey ishor istaag ku sameeyaan guusha dowladda noocaas ah ee taagta daran. Bal eeg Sierraleone, Liberia, Angola iyo Somaliya oo ah dalal ka baxay dagaalo soona doogaya inay yihiin kuwo aaney ka jirin ururo bulsho awood leh.   Kuwa soomaalida oo aan ku yara hakaneyno waxey kaalintoodu aheyd 25kii sano ee lasoo dhaafay mid isbadal badan. Doodo ku saabsan xuquuqda saxaafadda, Duulaanki Xabashida ee dalka iyo Dagaalada kooxaha mucaaridka ahba siyaabo kala duwan ayey uga hadleen doorkooduna kuma ekeen hadal uun e wuxuu gaaray in sanadkii 2012ka uu Dalka Raysal wasaare ka noqdo Mudane Saacid oo wax badan ka tirsanaa ururada bulshada ah. Shaqada saacid oo siyaasada galay waxaa ka milgo cuslaa tan ay qabteen Elman, Xaawa Cabdi, Edna Aadan, Faadumo Sh. Cali Jimcaale iyo kuwo kale oo badan. Ururada bulsheed ee dalku waxey ka gaabiyeen raadinta runta iyo rajo soo celinta shacabka intii dagaalku socday. Masuuliyada aan macaash doonka aheyn ee la rabay in la isku igmado loona dhabo galo si guul wadareed bulshada u gaarto ayaa noqotay mid qof walba uu gaarkiisa u raadsado. Su’aalaha durbadiiba marka laga hadlo bulsho rayid ah iyo soomaaliya maskaxdaa inooga soo dhacaya waxaa ka mid ah meel aanay dowladi ka jirin sidee uga jiri karaan ururo bulsho oo isugu yimid dan guud iyo mabaadii ku dhisan guul wadareed iyo wax wada qabsi. Bulshadu Qabiilku ku badan yahay waxaa sidoo kale ku badan kala qeybsanaanta xaga aragtida iyo wax qabsigaba markaasaa waxaa adkaata helida dood ku dhisan Dan isku xirta bulshadaas guud ahaan. Fekradaha isku heysta ee ku loolamaya dalka waxaa ugu horeeya mida keynta ee xooga iyo kala adkaanta waxaana taas kasoo horjeeda oo lid ku ah falsafada ay ku dhisan tahay aragtida ay calanka u sidaan ururada bulshada ah. Waxaan arkaa in doorka ururada bulshada uusan aheyn gaabis amaba gabaabsi balse uusan jirin.

W/Q: Axmed Rooble

Axmed Waa Qoraa iyo Cilmibaare ka tirsan Xarunta Muqdisho ee Cilmibaarista & Daraasaadka

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>