Breaking News
Home / Maqaallo / Hal Xiraalaha Hiiraan !

Hal Xiraalaha Hiiraan !

13 Janaayo 2016 W/Q: Axmed Rooble

Udub Dhexaad

Aqal Somaliga Sameyskiisa waxaa si wada jir ah uga qeybqaata dhow ul oo midba ay dhinac taal howl gaar ahna u heyso taagnaashada gurigaa. Usha Udub dhexaadka loo yaqaan waxaa ay muhiim u tahay isku heynta Aqalkaa. Dhexdhigaha, Sinaha,  Geesdhiga iyo afdgudubka waxaa ka muhiimsan Usha Udub dhexaadka ah oo la’aanteed uu Aqalku jiri kareyn. Aqalkaa Waxaa ka dhigan Dalka Somaliya oo Ushaa udub Dhexaadka ah ay u tahay Gobalka Hiiraan oo bartanka kaga dhaca Dhulka Dadka Somalida ay degen yihiin. Doorka Hiiraan wuxuu ahaa mid muuqda marka la fiiriyo taariikhda Casriga ah ee Somalida. Hiiraan Siyaasad ahaan iyo Dhaqaale ahaanba waxuu hormuud u ahaa dalka Somaliya. Taariikh ahaan Dalka waxaa loo qeybiyey 5 Qeybood. Labadii Gobal ee Dowladnimada ku midowday 1960 waxey ahaayeen gobalo gaaray ilaa 8 gobal oo ka koobnaa Dalki loo yaqaan Somaliya. Isbadalii Siyaasadeed iyo Maamulba waxey keeneen in juqraafi ahaan loo balaariyo gobalada maamul ahaan ee looma sameynin matalaad shacab iyo siyaasadba. Gobaladii ahaa 8da waxey noqdeen 18 gobal. Hiiraan oo aheyd dhul ahaan mid ka yar gabaladaa 8 da ahaa waxaysan helin in lakala qeybiyo sababtey doonto ha ahaatee Waxaan Maqaalkan isku dayi doonaa inaan ku iftiimiyo xaalada murjisan ee heysata udub dhexaadkii aqalka somalida ay harsanayeen oo hadii uu jabo ay la mid tahay in cadceeda ay qabatado guud ahaan dadka Somalida dib u dhisida Aqalkaana aya adkaato.

Hanaanka Federaalka ah

Dhowr meel marka laga fiiriyo waxaa siyaabo kala duwan looga diiday dalka habka federaleynta ee dibada looga soo waariday somalida halka Qaar Somalida ka tirsana ay wadaan. Habkaa waxaa diididiisa hormuud ka ahaa siyaasiyiin ka soo jeeda gobalada dhexe gaar ahaan Hiiraan. Bartamihii sanadkii tagay waxaa Mudane Jeele oo ah rug cadaa iyo Oday Somalida taqaan uu ka biyo diiday Habka Federaalka ah. Jeele oo hormuud ka ahaa Dowladii dhexe Gudoomiyena ka ahaa Gobalka Banaadir mar Wasiirna kasoo ahaa Isla dowladaa dhowr sano ayaa sheegay inuusan habkan mideyneyn Somalida oo uu keenayo Qilaafyo iyo Guuldarooyin badan. Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin badan ayaanan amaanin nidaamkan sababo dhowr ah dartood. Yeelkadeede Habkan meelmarintiisa marka loo cuskado dastuurka waxaa soo baxaaya sharcidaro cad oo aanan loo meeldayin iyo hareer mar waxii ay qorteen dadka isku shushubtay ee heshiiyey. Guud ahaan somalida waxey sas ka qabaan habkan oo ay aaminsan yihiin in debada looga keenay rabitaanka shacabkana uusan ku imaanin.

Aragtida aan fadhiyin ee Reer Hiiraan

Marka la fiiriyo guud ahaan Hogaanka Siyaasada reer Hiiraan Waxey ahaayeen kuwo aragtida ka aradan, Maahsan, Isku kalsooneyn oo aanan ugu yaraan Qabiil xitaa metelin. Waxaa muuqata salfudeyd, tafaraaruq iyo go’aan la’aan dhanka shacabka ah iyo siyaasiyiintaba. Bal eeg aragtida ay soo gudbiyeen iyo dood sababeysan ee aheyd in Gobalku iskiis u istaago isagoo 2 loo qeybinayo balse aysan ku mitidin hirgelinteeda .Waxaa Cad in Baaxad ahaan uu 2 u qeybsami karo Gobalka Hiiraan iskiina u istaagi karaayo balse waxaanan jirin Aragtidii siyaasadeed ee gadi laheyd. Waxaa Marka aad sii raacdid arkeysaa in ay reer hiiraan ogol yihiin in Gobalka Sh. Dhexe ay wax ku darsadaan taas oo ka dhigan ka tanaasulka go’aankii ahaa in Hiiraan iskii u istaago ee ay qaar horboodayeen. Ogolaashahaa iyo Gogoshii ay dhigeen oo ay ku kala jabeen Qaarkoodna yimaadeen Gogol ay dowladu Jowhar dhigtay waxey sabab u noqoneysa sida tafaraaruq iyo midnimo ay u jirin dhexdooda. Waxaa sidoo kale muuqda oo hordhac fudeed ku dhisan ah sida ilaa 3 Musharax ay oo Hiiraan kasoo jeeda ay ugu dhawaaqeen Musharaxnimadooda taas oo ku dhisan Indho la’aan, xog la’aan iyo Fudeyd.

Qaladaadka Dowladda

Tan iyo 2005tii Gobalka Hiiraan wuxuu Dulmane u ahaa Dowladii soo jiray 10kii sano ee ugu dambeeyey. Dowlada oo ka arimineysay gobalka iyo Dalka Guud ahaan waxey siyaasadeeda ku dhisneyd soo magacaabida cidkasta oo markaa danaha qofka hogaamiya dowlada kaga fulinkara Hiiraan balse kuma dhisneyn Keenida Qof leh hiraal, Aqoon iyo karti miid ah oo wax u qaban kara shacabka gobalka. Dib u fiiri Dowlada go’aanadi ay ku Magacowday Gudoomiye Gobaleedyadii kala duwanaa oo dhamaantood aan aqoon siyaasadeed iyo waayo aragnimo buuran laheyn balse loo fiiriyey labo sababood oo ay ugu horeyso danteyda miyuu fulinayaa iyo jifada  hubeysan miyuu ka dhashay. Qaladaadkaa waxey keeneen Guuldarooyin Lama iloobaan ah oo aanan laga soo kabsan doonin. Maantadan in Dowlada ay Digreeto ku magacowdo Caasimad, Gogol shir iyo inay meeriso sida loo hogaaminaayo  Maamul dhisida iyadoo dadkii saxda ahaa aysan ka qeyb gelin waxey tusaale u tahay Aqoon daro iyo sida dadka Hogaanka ah u yihiin Kaligood taliyeyaal aan ka duwaneyn Siyaad bare, Xusni Mubaarak iyo Qadaafi. Qaladaadkaa dowliga ah waxey curin karaan khilaaf iyo isjiid jiid badan oo dhalin doona Guuldaro mustaqbalka ah.  Doorka Dowlada hadii uusan noqon talo soo jeedin, Kaabid iyo toosin wixii qaldan waxey dhali doontaa in si hamsami ah wax u socdaan sidaa in ay wax noqdaanse waa calaacasha oo tin kasoo dhalataa. Waxaa Doorkeedu noqon doonaa in ay Keento Shaqsi dulsaar ah oo ay wadato sidii Galmudug ka dhacday oo kale. Waxaana ugu dambeyn ey dhalin doontaa in Reer Hiiraan oo aanan laheyn aragti ay Qaadaan wadadii ay mareen Ahlusuna ee ay maamulka ku sameysteen sida ka Muuqata Dhuusomareeb.

 

Gabogabo

Gabogabadii Gobalada Hiiraan & Sh.Dhexe Nasiib darro Waxey Marwalbo Magan u ahaayeen oo Gashaanka u wadi jiray kana waayeel ahaa Qaran jabkii Kaib Doqomo & daaxuur aanan lahayn damiir iyo danqasho aadminimo. Maanta oo ay ugu darantahay waxaa inoo Muuqda Humaag iyo daruuro Colaadeed. Bulshadu uu Garaadku Ku Yaryahay Marwalba oo ay isku daydo in ay isku timaado oo ay wax wadaagto iyadoo ay jiraan kala duwanaasho maslaxadeed, kala duwanaasho aragtiyeed, Kala duwanaasho heyb (Qabiil, reer iyo asxaab) iyo dano kooxeed. Waxaa abuurma Shucuuro Qilaafaad, Xasad & Naceybka uu ka mid yahay Markaas ayaa shucuurtii waxaa waraabiya u muhasho colaadeed iyo Dagaalo ay dadku ku doonayaan isbadalo si loo helo xaqsoor, cadaalad & nolol karaamo leh oo bulshadu u simanyihiin. Dhismaha Maamulkan oo aanan loo marin Dariiqad saxan lagana qeybgelin dadkii saxda ahaa ayaa ugu dambeyn waxaa muuqata in uu u adeegayo dad tiro yar oo damacoodu yahay in ay bulshada ka masruuftaan Caruurta. Waxaa berri hore la yiri “Talo Doqon Taag darro ayey u dhacdaa” Talooyinka Doqon keentada ah waxaa Qaata Maangaableyda Caqliga xun ee aanan Garashada laheyn. Waa Axmaqnimo iyo Dulinimo in Wax lagu dhiso Cariiqsi, Xamaasad, Fudeyd iyo Ciil Saacad la dareemay. Rag Waxaa u hoog badan Ciil Cadaab ka doorte Hadii sida wax lagu wado ay u meelmaraan waxaa cad oo inoo muuqda Halaag & ba’weyn iyo in dambi loo bareeray kan ugu khatarsan. Mar hadii intaas aan soo sheegnay waxaa iska cad oo uu Caqliga fayoow fahmi karayaa in Rag uu Waran Walaaleeyo oo aan nina wuxuu raali ka aheyn lagu dirqin kareynin, Waxa socdaahina yihiin wax ka fog diinta, ilbaxnimada, bani’aadamnimada, xaqiiqda iyo fahamka nolosha casriga ah. Ugu Dambeyn Eeboow, Naxariis badanoow, Xikmad badanoow Doqon Wax hanoogu darin, Hogaanna Hanooga Dhigin.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>