Breaking News
Home / Maqaallo / Xamar aaan hagaajino, aan hagaagnee

Xamar aaan hagaajino, aan hagaagnee

2 Janaayo 2016 (MCRS) Marka hore alle ayaa mahad u sugnaatay ii suurta geliyay in aan maqaalkan usoo bandhigo bulshada soomaaliyeed af iyo diin wadaaga nahay. Marka xiga waxaan salaan u dirayaaa dhamaan shacabka soomaliyeed oo dhan meel kastay dunida ka joogaan, salaan kadib waxaan rabaa in aan la wadaago maqaalkan aadka u culus oo runtii aan isdhihi karo, hadii aad loo fahmo wax badan ayaa inoo fududaanaya. hadaba waa tuma MUQDISHO? Maxaase ka taqaan taariikhda MUQDISHO? Shaley iyo Maanta Muqdisho?. Muqdisho waa magaalo aad u fac weyn, waxayna ka mid tahay magaaloyinka ugu da’da weyn Qaarada Africa iyo meelo badan oo ka mid ah dunida. laakiim soomalida ma ahan dad qora wixii tagey, badanaaa waxa inaga maqan taariikhdeeni, waayo waxaa aad u yara dadaalkii looga baahnaa taariikhyahanadii soomalida ew ku aadanaa in ay keydiyaan taariikhdeenj hore iyo kuwa hadaba, inkastoo Eebe mahadii hadda ay jiraan aqoonyahano aad u fara badan oo u tafa-xaytay ururinta taarikhaheenii. Muqdisho waa magaalo qadiimi ah waxayna ku taal galbeedka badweynta hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo badweynta hindiya kaga wareegsan tahay saddex jiho. SHALEY IYO MAANTA MUQDISHO. Muqdisho waxey ahayd caasimad caan iyo muxtarim lahayd, bilic iyo hanaan wanaagsan oo kusoo jiita lahayd, nolol naacow nafis iyo xornimo leh. waxey muqdisho ahayd xaruntii qaran keyd ahayd iyo xaashe mudaney ahayd ceeb ka saliimay ahayd, daris is jecel iyo guri xurmey ahayd, caasimad aan lakala xigin ayey ahayd, xadaarad soo jirtay lahayd, magac iyo muuq mid kugu qancisay ahayd, miyyi iyo magaalo mid laga xukumay ahayd, xamar mid aan xasuusta ka go’i karin ayey ahayd, qiime balad mid kaamishay ahayd, hadaba jaahilnimo iyo fakar la’aan darteed nimcadii xamar taalay magacii iyo sharafteedi deg deg kuwa uga xayuubiyaan nahaye guri gubtay iyo saxaro ka yeelnay, astaan colaad u saarnay, dhiig sokeeye ku daadinay, xarago caasimadeed ka qaadnay, xero ciidan ka dhignay, horumarkii ka socday xabaalo qodid looga ugu bedelnay, bilicdii iyo neecawdii macaaneyd hal mar mugdi u bedelnay, xamar laysku dubay sidii galeydii samaantii o idil xumaan loo bedel allaylahee XASUUSTII XAMAR LA XASUUSAN WAA. sidaan ka fahmeyno qoraalada sare xamar samaantey laheyd iyo dekanadii laga galay, Maanta xal ayey xamar rabtaaa si aan u hagaagno (soomaali magacii iyo karaamadii ah laheyd dib ula sok noqono). xamar ilaa ay dadkeedi garowsadaan in ay tahay xudintii dalka, oo ay diyaar u noqdaan sidij bilicdeedii usok celin lahaayen oo soomali kasta ku fakero xamar in ay tahay Qalnigii ummada soomaliyeed, Barbaarisadeeni. xamar dulmigii ay ka galeen bulshadeedu hadaan la garowsan ama aan la qiran gafkeenii, ogow xamar duulaan lahayn sinjina u lahayn ayey hoy (guri) u noqoneysaa. Soomaliya xornimadedii in qabiil gaara sok dhicin waad wada ogtihiinee maxaa sidii sharci laydiin qoray sidiisi idinku dhajiyay qabiilaysigan ina bahdilay, halyeeyadij dalkan naftooda u huray halkaad wax u wadaan uma aysan wadinee danta guud aan wajahno, garowsada in qof madaxa ka liitaa in uusan talaabo qaadi karine”XAMAR AAN HAGAAJINO AAN HAGAAGNEE”.

GABAGABO

Xamar jaahilnimadii lagu burburiyaa weli taala dadka soomaliyeed ee walaalaha ah qaarkood hadii Xamar horumar ka sameeyaan in ay xadgudbeen ayey isku haystaan, qaarna in lagu soo xadgudbay isku haystaan, waana tan sababtay in mudo 25sano ka badan kaliftay. Hadaba ummada badani waxay soo mareen dagaalo burburiyay hadana waxay awoodeen in ay hilmaaman wixii tagey, sidaas si lamid ah ayaa soomaalida ku haboon waajibna ku ah si loo helo mustaqbal fiican iyo midnimo lagu negaado. Maanta waxaa inala gudboon in aan dib u heshiisiin iyk wax wada qabsi beegsano, runtii maantana ma aha wakhti la furo faylalkii hore ee ina soomaray, waa in aan garowsano danteena oo aan gacmaha is qabsano Xamarna sida u dhaano.mahadsanidiin.

 

W/Q. Asiyo abdirahmaan abdisamed dawaarig.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>