Breaking News
Home / Maqaallo / Guud-mar: Xaalada Dhaqaale ee dalka Sanadkii tagay

Guud-mar: Xaalada Dhaqaale ee dalka Sanadkii tagay

Sanadkii hore Wuxuu ku curtay Saansaan Wanaagsan iyo Dadaal ay Dowlada, Dadka iyo Dunidaba u galeen ka miro dhalinta, suurogelinta iyo gaarida guulo dhaqaale oo lama filaan noqday.  Somaliya waxey u furantay dunida dhacdooyin mucjiso lama filaan ahaa oo ay ka mid aheyd Keenida Baanan casri iyo adeega master cardka ayaa ahaa kuwo la tilmaami karo, Hormarka ganacsatada yaryar iyo dhaqanka ganacsiga oo fahamkiisu korayo, Meelmarinta Xeerka Maalgashiga  iyo dhacdooyin kale oo muhiim ahaa ayaa ka dhigaya dalka mid u furan ganacsi, horumar dhaqaale iyo Guulo si isdaba joog loo gaari karo. Adeegi dowliga ahaa oo maqan, Kaabayaasha dhaqaale oo ah kuwo jilicsan iyo amni xumada jirta darteed uga joogsan Somaliya ku hirashada han, iyo hiigsi mudan gaaridiisa. Maadaama dunida ay tahay shabakad isku xiran waxaa saameyn kala duwan laga kulmi karaa Dagaalada ba’an ee Kooxda ISIS ee dalka Iraq iyo Syria, Hoos u dhaca dhaqaale ee dalka shiinaha,  Mushkiladaha Qaxootiga ee dalalka yurub  iyo Denta tirada badan ee dalka gariiga. Soomaaliya oo dhacda Qaarada afrika ayaa xudun istaraatijiyadeed u ah Qaarada Afrika.  Afrika iyo Somaliyaba waxaa loo arkaa xidig soo baxeysa iyo madal mudan maalgashi iyo horumarin. Afrika waxey si lama filaan ah uga soo baxeysaa mugdigi mudo badan ay ku jirtay dalkeenana waa la mid. Marka la fiiriyo Qiimeyna lagu sameeyo tirakoobka dhaqaale ee sanadadii hore waxaa muuqaneysa in afrika uu isbadal ku socdo. Isbadalada la taaban karo waxaa ka mid ah dhinaca Dowlad wanaaga, la dagaalanka musuqa iyo faqriga , awooda wax iibsashada dadka oo kor u kacday iyo dhisida kaabayaasha dhaqaale. Kobocaa dhaqaale waxaa u sabab ah dhowr umuurood isbiirsaday oo ay ka mid yihiin Koboca dadka, koritaanka magaalooyinka iyo dakhliga dadka.  Qaarada iyo Somaliyaba waxey soo jiidanayaan dunida inteeda kale tusaale dhig, Booqashadi madaxweynaha Turkey ee dalal dhowr ah ee Qaarada ku yiil iyo Somaliyaba, Shirki Shiinaha iyo  dalal badan oo Afrika ee dalka koonfur Africa ka dhacay iyo Safarkii Madaxda Afrika ay ku tageen Dalka Hindia waxey tusaale u yihiin fursadaha jira dunida u heelan la safrida Qaarad Curdan ah.  Tobaneeyadii sano ee ugu dambeeyey Quburo badan ayaa isku dayay iney falanqeeyaan koboca ku yimid dalka india oo ah dal koraya xag dhaqaale, Baahaya xag melatari iyo Koboc Bulshaba. Dad badan ayaa qaba in India loo arko awood weyn oo dunida ka muuqata kaliya siyaasad iyo ganacsi inaanan lagu saleyn  balse in India ay saameyn ku leedahay dunida taa oo ay keentay dhaqankeeda oo ay u gudbisay dunida sida Nooca cuntooyinka, Suugaanteeda, farsamada casriga ah iyo Aflaanta Hindiga ah.  Dhamaan intaan iyo baahida india ay u qabto raacida wadadi ay  shiinuhu hore u jeexeen ee aheyd maalgashiga Afrika ayaa ka dhigi karta india dal baaxad weyn xag dibolomaasiyadeed. Usbuuci tagey waxaa magaalada delhi lagu soo xiray shirka Madaxda Qaarada Afrika iyo Hindia kaas oo wax badan la isku weeydaartay. Afrika waxaa kalsooni ku abuurtay shiinaha oo in mudo ah garabtaagnaa. Hogaanka shiinuhu wuxuu balaayiin dollar ku maalgeliyey qaarada, wuxuu abuuray xiriiro muhiim u ah horumarka dhaqaale ee shiinuhu gaareen.

India waxey afrika kala timaadaa alaabta ceyriin, saliida iyadoo ah dalka ugu badan ee Nigeria kasoo dhoofsada saliida. Ganacsiga Afrika iyo India wuxuu sadax lab kacay 2006di ilaa iminka isagoo gaaray 72 bilyan halka China ay joogto 222 bilyan sanadihii asoo dhaafay waxaa meesha ka muuqda in India ay tahay dalka labaad ee usoo hanqaltaagaya qaarada marka shiinaha laga reebo. Shirka Delhi wuxuu diirada saaray horumarinta beeraha, ganacsiga, Maalgelinta warshadaha, Nabada & Amniga, Dhiirigelinta bulshada rayidka ah iyo dowlad wanaaga, Waxaa kale oo ugu dambeeyey oo uu diirada saaray  Horumarinta iyo iskaashiga farsamada casriga ah. India waa dal guun ah oo leh ilbaxnimo balaaran inkastuu gumeysi ku jiray muda badan hadana waxaa la filan karaa saameyntiisu iney noqon doonto mid jilicsan oo dhaqaale, ganacsi iyo tiknolajiyo ku xeeran. Hadaba Madaxweyne Xasan oo la kulmay Modi iyo Xukuumadiisa Hadii loo helo qidad, Aqoon iyo Farsamo xeel dheer waxaa la xaqiijin karaa isfaham dano dhaqaale, Ganacsi iyo Iskaashi Caalami ah. Lacago dhowr ah oo hey’ado Caalami ah ku deeqeen shirarki Brussels, Hey’ada IMF iyo World Bank waxey ka dhigan yihiin kuwa aan meel mari Karin hadaanan loo helin Imkaaniyaad soo xareeyo, hufnaan iyo hanaan dhaqaale iyo Qaran dhis ku lamaanan Cadaalad, Xaqdhow iyo Musuq la’aan iyo nidaam furfuran.

Maxaa la filan karaa sanadka Cusub ee 2016

Guud ahaan Qaarada iyo Gaar ahaan Soomaaliya Isbadaladaa aan kor kusoo xusnay waxey noqon karaan kuwo sii socda inkastoo shaki la gelin karo waayo Qaarada waa mid aan Siyaasad ahaan daganeyn sida ay qabto Mckinsey iyo shirkadao badan hadana waxaa sii socon kara mucjisooyinkan oo ka dhigi kara Africa Qaarad aanan kaliya loo soo dalxiis tagin balse loo soo Shaqo tago lehna Awood Dhaqaale iyo Mid Siyaasadeed.  Soomaaliya waxaa u furan fursado badan sanadka cusub Howlo badan oo mudan Qabashadoodana waa muhiim Waxaase hormarin u baahan Ganacsatayada yar yar, Dhiirigelinta hal abuurka iyo waxsoo saarka dalka gudihiisa, Sare u qaadida wacyiga bulshada waxaana ugu horeeya oo masuuliyada saaran tahay Aqoonyahan oo laga sugayo Qeylodhaan ka kooban wacyigelin, baraarug iyo abaabul u baahan ka qeybqaadashada qof walba kaa oo keeni kara Guulo Lama filaan ah.

W/Q: Axmed Roobe

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>