Breaking News
Home / Maqaallo / Shalay Kofil …. Maantana Kay

Shalay Kofil …. Maantana Kay

2-MAANTANA  KAY:

(Qaybta 2aad)

Kadib bur-burkii Dowladdii dhexe ee militariga  ahayd dalku wuxuu u jabay nacabkii in badan naawilaaay mar uun inuu fursadaas o kale helo. Nacabkaas waxaa hormuud ka ahaa Dowladaha dariska iyo kuwa reer galbeedba waxayna durbaba bilaabeen inay sii shidaan dabkii holcaayay,halka Itoobiya waqtigaas nala mid ahayd ay dadaal dheer iyo xusul duub aan kala go,lahayn lagarab istageen illaa ay kaga guuleesteen.

Qaranjabkaas kadib waxaa dalka kabiloowday faragalin shisheeye oo dano badan leh si toos ah iyo si dadbanba,heer uu arrinku gaaro inay ayagii buuxiyeen amaba hoggaanka u qabteen hannaanka Siyaasadeed ee Dalka ayagoo gabbaad ka dhigta mucaawano,gar-gaar iyo sheegasho taakulayn Siyaasadeed.Hay,adahaas waxaa kamid ah   waxa loogu yeero Qaramada midoobay (UN).gumaysigii hore dalka ayuu nagu haystay e kan maanta meel uu dhaafay majiro xag walba.Diin,Dhaqan,Dhaqaale,Dhul,Dawladnimo,Iyo Maskax  intaba.

1-Key-UN.Waxay bur-buriyeen wax kastoo ummada ilaashan jirtay, DIIN,dhaqan iyo caadaadba ,ilaa ay gaarta wiilka geeljiraha ah ee Soomaliyeed iyo Hooyada baadiyaha ariga ku raacata haday biyo la,aan ku dhacdo,ama abaar RABBAANI ah ku habsato ay tiraahdo/yiraahdo  UN ta hanaga soo gaaraan, halka  awal ILAAHAY la baryi jiray,la roobdooni jiray,ducooyin iyo sadaqo labaxsan jiray,ILAAHAYna loo laaban jiray,dadkiina  ka dhaadhacsheen waa isdagaalsan tihiin e waa idiin dariseenaynaa.

2-Key-UN.Waxay bilaabeen inay nagala dagaalamaan dhaqaalaha(WFP waxay qeybisaa galley aan tayo lahayn ayagoo kusoo beega waqtiga ay soo go,aan beeraha dalka,ayagoo ugu talo galay inaan dadka beeran dhulkooda,ee kaliya cunnaan gallayda  dhacday, waxay kaloo xaalufin kuwadaan badda,macdanta dhulka,iyo waliba ayagoo usoo dhoofsha inay ku xabaalaan sunta warshadaha afkana ka sheeganaya shidaal baaris.

3-Key-UN.Dalka waxay madaxa u galiyeen qorshe lagu kala geeynayo ummada walaalaha ah waxay oogu yereen (federal =KALAGAYN) oo macnaheedi yahay in mustaqbalka fog iyo kan dhowba laysku qabsado dhul beereedka,daaqa,tuulooyinka,deegaanka,ay ummada wada lahayd,loona iloobo  midnimadii,dadnimadii iyo dhulalkii iyo dadkii naga maqnaa ee 5 TA Soomaliya.

4-Key-UN.Dowlad nimo, mushaaraadka,amni ku sheega,maamul goboleedyada sii badanaya intaba wey ku aamini waayeen raggay keensadeen meesha oo meel walba ayagaa taagan,waxaana u wada fadhiya wakiladii  shalay uga ahaa soomaliya  ilaa maantana uga ah Kenya,Itoobiya,waxay kaloo na gaarsiiyeen heer  qabiilkasta markuu wax diido uu udiro waraaq,KU:..N.KEY,AFEEY,GABRE,BEESHA CAALAMKA,IGAD UN,CARABTA,Dowladaha Soomaaliya daneya,,gadaalna u karaacsho iyo DOWLADDA SOOMALIYA …….IWM..

5-Key-UN- waxay bareen cabsiiyeen ragga wakiilada uga ah dalka marin habaabin iyo isticmaalid erey bixino cusub oo ay kamid tahay.

B-Cadawga kaliya ee aan leenahay waa shabaaab ayna na iloowsiiyeen kii soo jireenka ahaa oo Diin,dal iyo dadnimo ba isku haynay.

T-waxay Tv yada lafadhiyaan Ummada afka soomaaliga ku hadasha! Oo ay ku aqoon sanayaan dhulalkii iyo dadkii naga maqnaa inay dadkaas kamid yihiin Dadka Soomaaliyeedna yahay qoowmiyad dagta dalal badan oo Geeska afrika ah(Soomali itoobiya,Soomaali Kenya….)

6-Key-UN. Waxay hadda hanuuniye yaal iyo  maamulayaal ka noqdeen qoysaskii Soomaaliyeed ayagoo umaraya una isticmaalaya Hay’ado( NGOs) Dowlad goboleedyo iyo kuwa ku caanbaxay raad raadinta ceebaha ummada,ayagoo qiil uga dhiganaya inay waxbarayaan,siminaaro siinayaan,wacyi galin uun katahay.

B-Xalane inta lagu xareesto labaro xuquuq aadane waxay ugu yeeraan.

T-Sinnaanta ragga iyo dumarka(isber-ber yaac)

J-inay guryaha kasoo baxaan

X-inay bartaan habka kufsiga looga hortago

Kh- is dhex gal rag iyo dumar

Bal is weydii Gabadha/Hooyada soomaaliyeed ee lagu soo bar-baariyay edeb iyo anshax,lagu soo korshay Diin iyo xishood,lasoo baray xuquuqda ILAAHAY iyo tii aadane ba in waxaas oo qurun iyo fawaaxish ah lagu aqriyo

Waxaa hubaal ah intaas oo dhan inaysan u suuroowdeen hadaysan heleen dad soomaliyeed oo gacan midig u noqda,una gudbiya xanta,ceebaha ummada iyo habka oogu dhow ee lookala fur-furo,loo haleeyo anshaxa  qiyamkana looga dilo ummada.

Waxaan jeclaystay  inaan idiinla wadaago gabay uu tiriyay  will Soomaliyeed oo dhalinyaro ah  magaciisana layiraahdo  Abwaan  Khaliif  F.Xayir gabay qiimo leh uu ka tiriyay waxyaalahaan aan kor kusoo sheegay e UN ta laxiriira iyo guud ahaan bur-burka,baaba’a  kajira dalka Abwaanku wuxuuna yiri :

-Inta aanan gabay se geeraarin giddigiin su,aal

-Soomaali gebi gacal bay ahayd

-Gayaanka iyo hablaha kala guursan jiray…..

-Hadduu guluf dhex maro kala gaadho gacan

-Geedbay lahayd iyo guurti dhaqan

-Garta odayadaa  goyn jiray markaba

-Guddoonkuna hishiis gacan qaad leh iyo guul buu ahaa

-Dhaqankaa gob ta ah waad garab martee

-Goormuu caddaan u gar qaadi jiray gacalkiyo xigtada?

-Gumaystigii darraad Gaarisa baxshee howd iyo galbeed

-Guddoon yiri amxaar haydiin garnaqo miyaa goba nima ah?

-Key gii gayiga gobol gobol ka dhigay miyaa maanta gaya

-Goobtuu tagaba roog loo gogloo guduudoo casoo

-Giblo loo tumoo u garaacid sacab?….

-Garashadan bal daya godka lagu hubsaday

-Geedigaan bal daya loo wada gadaal

-Afartaa guntoo kagudboo misana god kalaan kashaxay

-Bulshoyahay gurracan adigoo gun oo ku gumaysto cadaw

-Raggii geeri yiri ama guusha hano gayigoo xor ah iyo gobanimo katagay

-Qarankiis gataha ciidda iyo gayiga gows dhaafsadaha ma gudboonyihin?

-Kee galay abaal cidi gowyn karayn?

-Fulayadan mad-madoow goormaad qorteen geesiyaasha qaran?

-Goormuu dameer soo gaaray faras?

-Gudcurbuu cigaal geed mooday bahal aan gool libaax laga garan karayn

-Bulshoyahay gurracan gogolshiyo waxaad gacal moodaysa gumaysiga kal-kaal

-Isna garasho maleh waa geddii cigaal gudunbuu sitaa geedbuu intuu

-Laan gaar ah koro garaac oola baxaa,goortuu dhocuu godladaa caqligu

-Bulsho yahay gurracan geelbaad dhurwaa gaadh ooga dhigtaan……

-Afartoo guntoo kagud boo misana  god kalaan ka shaxay……

-Bulshoyahay gurracan godobaysanaha sankadhuudhigaaa

-Gayaaanka iyo hablaha gardaduubayiyo kufsi gaysatada ganacjabisada ah

-Garashada ku tiri waa gacal ku xiga waa gacan ku rimis

-Halaq garabsatooy good iyo abees ku kugumaynaniyo

-Gaalada miyaa godka lagu cadaab gacal laga dhigtaa?

-Ciida iyo gayiga  gogol loo dhigaaa?

-Bulsho yahay gurracan nin gar-gaar lahoo gar cadaaliyoo

-Gacal soor lahoo gacan furan ayaa gayyi jiray xilkee

-Goormaa layiri niman gaalo wadan o garab kahelin ma guddoomi karo?

-Bulshoyahay gurracan gacmo wada jirbay lib ku gaarayaan

-Goormaa layiri waa laga gudboo gooni socod ayaa guulaysan kara?

-Guul aan midnimo lagu goosan baa lagu goobayaa

-Nin waloow  gayiga gobolkaad lahayd goosoo carroow gali weyday maan garanaayo samo

Soomaalida waxay  tiraah  meyd kee u danbeeyay? Kii lasii waday !!! shirkii lagu sheegay katashiga aayaha iyo doorashada 2016 ee lagu qabtay Magaalada dariska la ah Muqdisho ee Xalane  waxaa si hor dhac ah ay noogu soo gudbiyeen Ragga nahaysto in wax laga badalay Calankii dhiigga badan ku daatay iyo riyooyinkii Aabayasheen ay noqdeen waxba kama jiraan,halka riyooyinkii aabayashood ay ka runsheegeen.Meelo badan iyo gobolo badan oo Soomaliya ah na aanba laga helin Calanka buluuga ah,laguna badalayba goboladaas kii Itoobiya iyo Kenya.!!!

Ugu danbayntii waxaa muhiim ah inaan ogaano Raggaas aan kor kusoo sheegay Kofil,Key.iyo Ilmo adeeradoodba inaysan marnaba iloobin habeen iyo dharaarba  ka run sheegidda,dhaqan galinta  dar-daarankii aabayaashood iyo dhamaystirka  khidadihii gumaysiga CASRIGA ah (UN), Dad ahaantooda, nafsadooda raggaas wax uma halaynayaan ee nidaamka ay ku shaqeenayaan waa mid jiray haddana jira siina jiri doono ayadoo loo marayo dhaqan galintiisa  magacyo kala duwan: AMISOM,UN,IGAD,AFRICAN UNION,FEDERAL iyo Madaxweynayaal wakiil u ah magacyadaas.Haddaanaan sida isku dhaamin waxaan sugnaaba waa khariiraddaha iyo soohdimaha cusub ee ay mid waliba jeexdaan iyo inaan u diyaar garoownaa ilmaheena barista JUQURAAFIGA cusub ee Soomaliya bad iyo berriba…

WABILLAAHI TOWFIIQ

Afeef : waxaan saxay ILAAHAY baa ku mahadsan,waxaan qaldayna naftayda iyo shaydaan.

Tixraac :1-Buugga : diiwaanka Sayidka

2-Buugga :Xornmadii lixdankii iyo xikmadii timacadde.

3-Webs: Doollo,Somalitalk,…………IWM..

 

 

 

 

 

W/Q- Faarax C/xaashi Cismaan-nuur

E-mail:  Faaraxcismaan@gmail.com

Breston University

BBA

MBA(ongoing )

Karachi-Pakistan

 

 

 

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>