Breaking News
Home / Maqaallo / SHALAY KOFIL ….. MAANTANA KAY

SHALAY KOFIL ….. MAANTANA KAY

SHALAY  KOFIL …..  MAANTANA  KAY

(Qeybta 1aad )

Waxaan ku bilaabayaa Eebbe weyne magaci,waxaana ku Salliyayaa Suubanaha Maxammed (NNKH).Ummad kastaa wuxuu ILAAHAY(SWT) ku beeraa buqcad,ummadda Soomaliyeed na  wuxuu Alle u doortay inay  kunoolaadaan  geeska Afrika. Wuxuu ILAAHAY dajiyay, dhul uu kumannestay  barwaqooyin muuqda iyo kuwo dahsoon oo aan wali laga faa-iidaysan.

Waxyaalaha oogu muhiimsan ee ILAAH ku manneestay waxaa kamid ah:

1-Diinta Islaamka oo ah galladda uguweyn.

2-Ummad wadaagta wax kasta oo ummad kulmiya sida (diin,dhaqan,luuqad,iyo isir).

3-Juquraafi ahaan dhul  halbowle u ah isku xirka dunnida bari iyo galbeedba oo ah meel ay iska galaan Islaamka iyo Gaalada ama Carabta iyo Afrika.

4-Dhul bed weyn leh,iyo Badda oogu dheer badaha afrika.

Barwaaqooyinkaas waxay lahayeen/leeyihiin  cadaw  iyo xaasid soo jireen ahaa oo aan marnaba u ogolayn in lagu intifaaco ama lagu ledo.

Waxaana daliil  lama ilaawaan ah noogu filan taariikhdana  galay  halgankii dheeraa ee ummadda Soomaaliyeed waqtigaas  lagaleen gumaystayaashii  kusoo duulay  dalka.

Aqoonyahanka  Soomaliyeed  Dr. Sadiq  Enoow mar uu ka hadlaayay ummada Soomaliyeed wuxuu yiri “waligeed ummaddeena 15 sano oo isku xigta o nabad ah maysan arag”

Waxay intaas dagaal iyo JIHAAD kula jireen gaaladii noocyada badneyd ee watay fikirkii Siliibiga  ahaa hadafkooduna ahaa   qabsashada dhulka Soomaaliyeed  ayagoo wax hiil ah aan cidna kahelin iyo gurmad marka laga reebo dowladii Cismaaniyiinta  oo sii bur-buraysay mooyee waqtigii Iimaam AXMED GUREY oo ay ummadanada  hoggaan ka ahayeen gaarsiinta diinta ISLAAMKA bariga iyo bartamaha afrika sababtayna qowmiyado badan ee dagan bariga qaaradda Afrika inay  Gacantooda  iyo seeftoodaba ku islaamiyeen amiir .

   1- SHALAY KOFIL:

Markii  lasoo gaaray  qarnigii  20 aad bilaawgiisii gumaystayaashii  kala qeybsaday dhulka Soomaaliyeed  waxay iska caabbin xoog leh markale  kala kulmeen halgankii uu horkacaayay AUN.SAYID Maxamed Cabdulle Xassan iyo ummaddii halganka kula jirtayba gacan Ilaah mooyee gacan bini aadan hiil  iyo hoo toona  kamuusan helin,qabaa ishii  soomaliyeedna waxay u bateen kuwa taageeray  gaaladii dalka haysatay in ILAAH u naxariistay  mooyee……..

Dhanka kalle  gumaysigii  Ingiriiska  waxaa horkacaayay Dagaal-ooge caan ahaa oo ay ciidamadii gumaysiga Ingiriisku ku dhaaran jireen oo la oran jiray Richard Corfield, Soomaaliduse ku naanaystay Koofil oo ay Daraawiishi ku makashay dagaalkii Dulmadoobe ee 1913kii.

Koofil wuxuu ka mid ahaa madaxda sare ee gumaysiga Ingiriiska dalka Soomaaliya wakiilada uga ahaa, wuxuuna gaar ahaan hoggaamin jiray Kolanyo la oran jiray (Camel Corps) Soomaaliduna u taqaanay Rakuubley.  kolanyo afar-lugood u badan oo awrta ku duula, sidaasna Rakuubley kula baxay ayuu ciidankaasii  ahaa.

Daraawiish oo hore u weerartay beel beelaha Burco iyo agagaarkeeda dega ka mid ah, xoolo badanna kasoo mooroduugtay ayey Koofil iyo ciidan uu watay jidgooyo waxay u dhigeen Dulmadoobe,  Dulmadoobe waa buur gabbaad fiican, jidgooyada dagaalkana ku habboon.

“Kolkay Daraawiishi suryada Dulmadoobe soo buuxiso dabka saara oo naf iyo maalba wax go’a, wax goosma iyo wax gacanteena soo gala ka dhiga ”. Ayuu Koofil amar kubaxshey

Isha waagaba hoos ayaa la isugu dhigay.  markiiba waxay ku dhagtay Koofil oo isla goobtii ku nafwaayey.  Mar haddii Koofil  tagay, colkii uu watay wuu kala firdhay, Daraawiishina caymo uma galinee cagta ayey cagta u saareen ilaa ay gacanta ku dhigeen bakhtigii Koofil.  Mashaqo weyn oo aan la soo koobi karin ayaa halkaa Ingiriis iyo cawaamkiiba ka raacday, rag badan oo uu Koofil ugu horreeyo ayaana maalintaa xagga naarta u guuray.

Markuu Ismaaciil Mire keenay madaxii Kofil  xaruntii darawiisheed ee Taleex. Waatuu Sayidkii ka turiyay gabaygii caanka ahaa ee kofil.

  1. Adaa Koofilow jiitayaan, dunida joogeyne
    2. Adigaa jidkii lagu gu wadi, jimic la’aaneede
    3. Jahannama la geeyow haddaad, aakhiruu jihato
  2. Nimankii jannow kacay war bay, jirin inshaalleeye
    5. Jameecooyinkii iyo haddaad, jawhartii aragto
    6. Sida Eebbahay kuu jirrabay, mari jawaabteeda…………………..

Kofil umuusan imaan dalxiis iyo daansho daansho ee wuxuu uyimid qabsashada dhul,dad iyo duunyo waxay ummadeena  lahayd inuu mooro duugo,baddalona DIINTII Islaamka ee ummadaas ILAAHAY ku manneestay , Geeska afrikana  laga  waayo cid ILAAHAY oo kaliya caabudda.Koofil markuu halkaas ku ahaaday fashilna kuyimid ahdaaftii iyo himilooyinkii gaalaysiinta iyo baa bi,inta  ahaa ayaa waxaa isku habar wacday gaal kiisii caddaa iyo kiisii madoobaaba waxayna isticmaleen  awoodoodii  midii ugu sarreeysay …Darawiish waxa ku batay dagalkii ilaa ay duqeeyeen diyaaradaha ingiriiska xaruntii Madaxtooyadii Taleex,kadib,waxaa yaraatay awoodii  iyo saanaddii darawiishta  waxayna si xeeladaysan uga ruqaansadeen dhanka dhulka Soomali galbeed ee  Howd .

Hadafkii Sayidka

Sayidkii  asagoo urreebaya dhaxal ummada Soomaliyeed ee  kadanbaysa wuxuu ku caddeeyay hadafkiisii ahaa inuu gaalka kasaaro 5ta Soomaliya,inuu nabad kujoogo dhulkiisii,iyo inuu haba yaraatee waayay qof la,arka  oo u hiiliya xag nasab ama wada dhalasho iyo xag dowladeedba,  ayuu  gabaygaan tiriyay wuxuuna yiri:

 

1-Hadaan waayay calan leey nashiro tan iyo Nairobi.
2-Miyaan waayay naamuus janniyo daalac iyo naasil.
3-Hadaan waayay ciidoon naqliyo inaan nugaal daaqo.
4-Miyaan waayey neef aan xarmada naalo ugu fuulo.
5-Hadaan waayay ruux iga naxoo ii  nasabad sheegta.
6-Miyaan waayay naxariis alle iyo Nebiga(Csw) jaahiisa.
Haddaba ma istaagin dagaalkii lagula jiray ingiriis  iyo talyaani  ummadda Soomaaliyeedna  waqtiyadaas waxay ahayeen ummad  xag  Diin,Dadnimo, iyo Damiirba dhisnayd taqaanayna  cadawgeeda,taasaana keentay inaan  lookala harin reeryadii gumaystaha inay iska rogaan.

Culumadii ugu cad-caddaa ee horkacaayay gobonimo doonkii Soomaaliyeed waxaa kamid ahaa:

(AUN) C/laahi Suldaan Timacdde,  waxaadna ka garanaysaa Gabayadii dhaxal galka ahaa ee uu nooga tagay iyo dhibaatooyinkii loo soo maray gobonimo doonka Dhulweynihii Soomaaliyeed. Halgankaas dheeraa waxuu soo gaaray waqtigii xornimadii ee 60 kii.

AUN Timacadde waa tuu lahaa:

1-Gaajiyo harraad badan hashaan ugu garaacaayey.
2-Goortuu sidkeedii go’ay eey galabtii fool qaadday.
3-Ayadoo candhada diijisay oo godol ku sii daysay.
4-Garaad nimaan lahayn bay la tahay waad ka gaagixinne.
5-Annagoon gantaalaha dhiciyo haysan qori gaaban.
6-Hashaan gaadda waynow libaax uga gabboon waayey.
7-Inaan goraya cawl uga tagaa waa wax soo gudhaye!!!

Markalle (AUN) Abwaanku waa tuu katiriyay gabaygii caanka ahaa ee uu ugu dabaal dagaayay calankii asagoo tilmaamayaa dhibatooyinkii iyo waqtigii dheeraa ee la sugaayay, waxaana ummaddi kasoo go,day neef qaboow ayagoo gurtay mirihii ay usoo halgamayeen.

1-Ka’ sideetan Sabaano.
2-Calankaanu sugaynay.
3-Een sahankiisa ahaynow.
4-Sermawaydo hilaacdayoo.
5-Sagal maanta daroorayoo.
6-Siigadii naga maydhayoo.
7-Saqdhaxaanu ahayne.
8-kii soosaaray cadceedow.
9-Samada kii u eekaayee.
10-Xidig-gam isa siiyayow.
11-Saaxirkii Kala guuraye.
12-Sareeyow ma nusqaamoow.
13-Aan siduu yahay eego ee.
14-Kaana siib Kanna Saar.

Xornimadii  waxaa qaatay oo kaliya  2 qeyb oo kamid ahaa dhulweynihii Soomaliyeed halka 3 kamid ahna gacantii cadawga wali ku jiraan.Ingiriis waxuu baxshay siiyayna ilmo  adeeradiis  2 qeybood ilaa maantana ku jira gacantooda.

Israacii gobolada waqooyi iyo koonfur kadib ummada Soomaaliyeed kumaysan qancin habeen na kuma  seexan iloowshiyaha dhulkii iyo dadkii kalle ee naga maqnaa ee waxay halkii kasii wadeem halgankii.Waxaayna ku guuleesteen xorayntii Soomali Jabuuti ee uu faransiisku haystay. Waloow aan lagu guulaysan haddana waxaa laysku dayay xoraynta Soomali galbeed iyo NFD.Dadaaladaas waxay galeen  diiwaanka taariikhda,waana dhaxal ay uga tageen taliskii ciidanka ahaa ummada.

Ma uusan fogaan gumaystihii ee wuxuu noo dagay meel aan naga fogayn,waxuuna kutalo galay inaan  lug iyo gacanba isla weyno,nana hagar daamiyo,bur-burin iyo kala dhantaalidna ku dhex abuuro ummadii soomaaliyeed asagoo sameeyay Jabhado ku salaysan qabyaalad ayna kawada dhawaaqeysay magacyadooda (S)laguna soo tabo baray dalalkii cadaawada nagala dhexeysay laguna bur-burshay Dowladii dhexe ee Dalku lahaa.

 

 

Qore: Faarax C/xaashi Cismaan

Breston University

BBA

MBA(ongoing )

Karachi-Pakistan

 

About admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>