Breaking News
Home / Maqaallo / Soomaaliya: Baahida Hogaan Hiraal Leh

Soomaaliya: Baahida Hogaan Hiraal Leh

6 December 2015 (MCRS) “Marnaba ma bedeli karno Hogaamiyeyaasheena Siyaasada Ilaa aynu Badalno Dadka Doorta” Mark Skousen

Hogaamiyuhu waa geed har weyn oo lagu hirto. Hogaamiyihu wuxuu isku tole, afhayeen, howl wadeen iyo badbaadiye sidoo kale waa waa hormuud bidhaamiya, haga aragtida iyo fekradaha bulsheed si guud ahaan ah. Hogaamintu waa xiriiru dhexeeya hogaamiyaha iyo la hogaamiyaha. Waa mas’uuliyad iyo balan qaad la iskula xisaabtami doono mar walba. Hogaaminta waa sheey muhiim ah. Wax walbo waxeey u baahan yihiin in ay yeeshaan hogaamin hadii ay yihiin koox, qoys, ama reero iyo dad ku nool gobol iyo dal. Soomaaliya ay soo martay xilliyo adag iyo duruufo qallafsan, mar kastana ay, gargaarka Eebbe ka sokow, u baahnayd hoggaan toosan, misana, inta la hayo taariikhda ma soo marin mar ay uga baahi badan tahay: hoggaan leh diin, dareen iyo dadnimo; hoggaan dalkaan iyo dadkaan aan iib ku raadinayn; hoggaan leh garasho dheeri iyo xilkasnimo; hoggaan leh aqoon iyo waaya’aragnimo; hoggaan fahansan jihada caalamku u socdo, abuurina kara siyaasaddii gundhigga u noqon lahayd qorshe lagu higsado himilooyinka horummar ee ummadaha kale higsanayaan; hoggaan fahansan muhimadda dawlad-wanaagga iyo xisaabtanka; hoggaan caan ku ah daacadnimo, hufnaan, iyo hiraal; hoggaan ku dhex nool, fahansanna duruufaha nololeed ee shacabka; hoggaan si sharci ah ku yimid, xushmadna u haya sharciga; hoggaan toosin kara damiirka iyo dadnimada dadka una jihayn kara dhanka mustaqbalku ka jiro sidoo kalana abuuri kara Hiraal (Vision); hoggaan damaciisu ka xeeldheeryahay xil la qabto; hoggaan soo nooleeya amalkii iyo rajadii Soomaalida. Soomaaliya, waxay u baahan tahay hoggaamiye aan u adeegin qoyskiisa, qabiilkiisa iyo koox gaar ah ee u adeega shacabka Soomaaliyeed; hoggaamiye aan dhisin gobol gaar ah, degmo gaar ah ama tuulo gaar ah ee dhisa dal iyo dad. Hogaan xumida kuma eka kaliya siyaasada balse waxeey saameysay dhamaan bulshadeena dhinacyadeeda kala duwan oo idil. Hogaaminta waxeey u baahan tahay cadaalad, maamul wanaag, geesinimo, waayo aragnimo, karti, kalsooni,iyo aaminaad. Hogaaminta waa awood lagu odoroso mustaqbalka laguna soo bandhigo xal.Waxaa kale oo layiraahdaa hogaaminta waa isbadal, xiriir, saameyn iyo hiigsasho. Hogaaminta waa dhiirigelin, soo jiidasho, iyo jiheynta intaba. Hogaaminta ayaa sidoo kale la yiraahdaa waa daacadnimo, awood hogid, dabeecad wanaag iyo hal abuurnimo. Hogaanka soomaaliyed marka aan usoo jaleecdo malaha intaan oo astaan ah lagama heli karo hogaankooda inkastoo sebanadii hore jireen hogaamiyeyaal awood iyo karti badan lahaa bulshada dhexdeedana si weyn uga muuqday hadana maanta marka la fiiriyo ma jirto hogaamiye dhinac walba la dhihi karo waa mid u qalma amaba ah hogaamiye wanaagsan. Hogaamiyeyaal somaaliyeed waa jireen waqtigii islaamka soo ifbaxay, ka hor waqtigaa & kadiba balse sidii ay u baa’baday dowlada si la mid ah ayey u baa’day dhamaan wax walba oo dalka ka jiray. Hogaamiyaha wanaagsani waxuu qeyb muhiim ah ku leeyahay horumarinta iyo dhisida dal sidoo kale hogaamintu waa awood lagu odoroso mustaqbalka, dababdeedna lagu soo bandhigo wadadii la qaadi lahaa si loo gaaro mustaqbalkaa. Hogaamiyaha in uu keeno guul iyo rayn rayn waxeey waxeey u baahan tahay waqti badan oo mudan in la sugo. Hogaamiyaha wanaagsani waxuu furre u yahay dalka iyo dadka in ay guuleystaan halka hogaamiyaha xumina marin habaabiyo ummada iyo danahooda. Hogaamiyaha soomaaliyeed waxa looga baahan yahay dhowr qodob oo hadii la kaashado keeneeysa isbadal xaga hogaanka ah:

  • Hiraal {Vision}

Hiraalku waa qodob u aasaas ah hogaamiyaha waxuuna sheegaa meesha uu u wado umada uu hogaanka u yahay iyo dhamaan hanaanka iyo tabta loo baahan yahay in lagu gaaro yoolkaa.

2} Awood & Xamaasad

Sidoo kale Awooda uu go’aan ku gaari karo wax ku diidi karo kuna ogolaan karo waa in uu lahaadaa hogaamiyaha taa oo ku xiran heerka aqooneed iyo waayo aragnimo ee uu hogaamiyahu leeyahay. Hogaamiyaha xamaasadeeysan wuxuu niyad geliyaa shacabka waxna waa laga qaban howlaha hor yaal hadii uu adeegsado xamaasad iyo awood intaba.

3} Dareen fiican u leh dadka uu hogaamiyo

Waa Qasab in hogaamiyuhu dareen iyo dadnimo fiican u yeeshaa dadka uu hogaamiyo oo dantiisa shaqsiga ah ka hor mariyaa tan dadka uu hogaamiyo sidoo kale waa in uu si wanaagsan u yaqaan dadka oo uu ka ilaaliyo waxyaabaha dhibi kara sida nin jecleysiga iyo masuqmaasuqa.

4} Degenaan & Kalsooni

Waa in uu yahay qof dagan oo si qoto dheer ula socda aduunka ku xeeran iyo xiriirka ka dhexeeya isaga iyo dadyoowga kale. Sidoo kale Kalsoonida waxeey abuurtaa wadooyin lagu xalin karo dhibaatooyinka soo booda iyo in hogaamiyaha la adeeco amaradiisa.

5} Sharaf & Firfircooni

Sharaftu waxeey kor u qaadaa in hogaamiyaha noqdo mid la adeeco hadaladiisa iyo amaradiisana loo hogaansamo sidoo kale hogaamiyaha leh firfircooni wuxuu si karti iyo maskax furnaan ku jirto uga soo baxaa howlaha loo igmaday oo idil tusaale ahaan Raisulwasaarihii hore ee dalka Malaysia Dr- Mahathir oo dhamaan Laga heli karo qodobadaan wuxuu ahaa hogaamiye burji leh sidoo kale firfircoon, deggen, sharaf iyo kalsoonina leh. Waxaa la xuso mudan tuducda gabay ee soo socota

Dhib baad Afrikaay qabtaa

Midkaad xil u dhiibataa

Dharaartaa buu kibraa

Wixii dhulka yaaley iyo

Dhaqaale wixii la helay

In uu dibedaha dhigtiyo

Qaraabo in loo dhuriyo

Wuxuu ka dhigtaa dhammaan

Geel uu reerkoodu dhaqay

Cabdi Muxumud Ammiin

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>