Breaking News
Home / Diraasaat / Daraasad: Falsafadda & Qiimaha Cadaaladda.

Daraasad: Falsafadda & Qiimaha Cadaaladda.

11 October 2015 (MCRS) Diinta islaamka Cadaaladda waxa ay kaga jirtaa door muhiim ah. Waa mowduuc aad u weyn oo xiriir la yeelanaya dhaqaalaha, bulshada, hogaanka iwm, waxaana lagu xusay Quraanka iyo Axaadiista marar badan, sidoo kale waxaa jira aayado iyo xadiisyo badan oo kusoo arooray in cadaaladu tahay wax laf-dhabar u ah dhismaha/jiritaanka shaqsiyadeed, qoyseed iyo midka qowmiyaheedba. Fikradda cadaaladda waxa ay la xiriirtaa sinaanta xaqqa iyo runta iyadoo aan la isku kala saareynin andacooyin la xiriiro midab, dhalasho ama mararka qaar diin. Cadaaladdu makala laha sarreyn, nasab, hanti ama sharaf, waana mid ay tahay in loo wada sinnaado, dadka dhanna ay u qabato si isku mid ah.

Cadaalad in la bixiyo waa mid ka mid ah asbaabaha ay u taagnaan karto dowlad islaam ah hadiise la waayo waxaa la waayi madaxda iyo dowladaa sidii loo waayay Qadaafi iyo Xusni Mubarak iwm. Mararka qaar waxaa dhacda dunida in cadaalada aanan la helin in badan sidoo kalana in cadaalada aysan helin dadkii mudnaa tusaale ahaan inaan si saxan bulshada xoolaheedi ama xaqeedi loogu maamulin.

Cadaaladdu waa lama huraan. Erey ahaana cadaaladda, eray bixin ahaan, waa isku dheelitirnaan. Sida aan kasoo xiganaayo aqoonyahankii weynaa ee masaarida ahaa Dr. Sayyid qutb. Wuxuu yiri: caddaaladda bulshadeed waxa ay ka kooban tahay seddex qaybood:

1) In qofka xurnimo dhameystiran u lahaado dareenkiisa/keeda.

2) In aadanahu u sinnaado nolosha.

3) Isku xirnaanta bulshada taasoo micnaheedu yahay kasoo bixidda masuuliyadda bulshadeed micnaheeduna ma aha dareen ahaan ee waa qaadidda tallaabooyin dhab ah sida bixinta zakada, hadiise ay jirto in ay baahida bulshada ku filnaan weydo waa in lacag dheeri ah laga qaadaa dadka wax heysta.

Nabigeenna Maxamad {NNKH} wuxuu yiri todobada qof ee aakhiro harka ilaaheey helaya, waxaa ku jira qof u cadaalad falay dadkii uu u talinayay. Waxaa markaa lama huraan ah in cadaalad-darrada laga fogaado. Cadaalada waxay keentaa nabada, midnimada,  iyo horumarka dhinacyadiisa kala duwan xag buslsho, aqooneed, dhaqan-dhaqaale  iyo ilbaxnimo. Sad-bursiga iyo isbididda awooda ee koox, qabiil isbidaan kuna dulmiyaan kuwo kale ayaa waxa ay caddaalad-darro soo jireen ka aheyd soomaaliya in badan. Cadaaladdu wax walba ayey soo galeeysaa:

Hogaanka: Qofka hor-muudka ah iyo cadaaladda

Qofkaa waxuu noqon karaa madaxweyne, qareen maxkamad ama qof mudan sida oday dhaqameed oo gar goynaya ama looga fadhiyo sameynta cadaaladda ayna qasab tahay in go’aankaa la mariyo cadaaladda. Alle SW wuxuu jecel yahay quraankana ku yiri dadka cadaaladda sameeyo hadii ay arrin goynayaan haku saleeyaan cadaalada. Sidoo kale qofka furaya marqaati hadaladiisa haku saleeyo run iyo sida dhabta ah ee wax u jiraan.

Dhexdhexaadinta bulsho & Cadaaladda

Waxaa la doonayaa in cadaaladda noqoto sargoosi/halbeeg la adeegsado marka bulsho la dhexdhexaadinayo gaar ahaan bulsho burburtay oo arinteedu murugsan tahay waxaa lagama maarmaan ah in adeegsiga cadaaladda ay wax badan soo dhiseyso. Dhexdhexaadintaa ayaa waxeey noqon kartaa labo koox oo dirirtay, labo qabiil oo colaadi dhexmartay, iyo mid qoys, oo ka dhax dhacda ninkii iyo xaaskiisa iyo labo dowladood oo dagaalamay waxaa waajib ah in cadaalad lagu dhaato dhammaan xaaladahaa.

Wadaagidda ama u sinnaanta fursadaha iyo ilaha dhaqaale ee dalka: Fursadaha shaqo, waxbarasho, dalacsiin, adeeg, taakuleyn iyo in kale oo badanba waxaa bulshadu ay u baahantahay in ay u sinnaato si cadaalad ahna u qeybsato, lagu qiimeeyo karti iyo aqoonta. Ka gudbidda reer hebel iyo koox hebel, oo cadaalad loo gudbo ayaa qasab ah wax walbana lagu wadaago cadaalad, haddii ay noqon laheyd waxbarasho, oo tusaale ahaan; hadii minxo waxbarasho la helo dhammaan goballada dalka si isku mid ah u qeybsadaan sidaa si lamid ahna shaqooyinka iyo adeegyada bulshada. Wey adagtahay in si dhaqso ah lagu helo cadaaladda noocaan ah balse waxeey u baahan tahay dadaal badan. Dunida taariikhdeeda waxaa bogag badan ku qoran cadaalad-darro iyo hagardaamooyin badan. Tusaale ahaan; dalka Mareykanka oo ah dal xurnimada, dimuqraadiyada iyo horumarka ku faana waxaa taariikhdiisa dhaw ku soo aroortay cadaalad daro badan oo midab takoorka uu ugu weynaa, iyada oo waxyaabo badan oo kalana jireen. Haddana wakaa oo Maraykanka arrintaa waxuu uga dabbaashay sidaa wacan, illaa uu sutuda u qabto dunida, sanad walbana soo saaro, warbixinnada ugu dhaadheer ee xad-gudubyada iyo tacaddiyada  dunida ka dhaca.

Nolosha qoyska iyo cadaaladda

Cadaaladdu waxay mudantahay in marka hore ay kasoo fusho qoyska dhexdiisa. Hooyada, aabbaha iyo caruurta oo dhan in ay cadaalad ku wada noolaadaan. Qofkii rabo hal xaas ka badan oo u caddaalad fali karinoow iska jir. Sidoo kale u caddaalad falidda caruurta iyo simidda xuquuqda ey kugu leeyihiin ayaa muhiim ah, oo xitaa qofka aad iska soo hor jeeddaan ee ama muslimka ah ama gaalka ah waxaa loo baahan yahay in caddaalad loo sameeyo iyo inaad naftaada xitaa ka hiilliso haddii aad gaftay, sidaa ayuu quraanku ina barayaa.

Sharciga:

Sharciga guud ahaantiis waa hannaan amarro, qawaaniin, xeerar, xeer deegaan iyo noocyo kale oo heshiis ah ay ku jiraan. Shareeco ahaan waa kala garashada xumaha iyo samaha (Moral code) inkastoo aan ku dheeraan karin shareecada balse waxay la xiriirtaa ama xal u tahay arrimaha la xiriira siyaasadda, dhaqaalaha, dambiyada iyo sidoo kale nolosha qofka oo badan. Waxa muhiim ah in la fahmo in sharciga uu salka ku hayo ama baroosin u yahay xuquuqda. sharciga aad fulineyso wuxuu ka tarjumayaa wacyiga iyo garashada aad u leedahay xuquuqda insaanka. Hadii aadanba aqoonin wax xuquuqul insaan layiraahdo, sharcigaaguna ma garan karo xuquuqda insaanka aad ku fulineyso ciqaabta. Sidaa daraadeed xuquuqdu waa sharci, sharciguna waa xuquuq. Hadii xuquuqda qofku maqanyahay, sharciguna wuu maqan yahay, sida hadii sharcigu maqan yahay xuquuqda qofkuna u maqan tahay. Sidoo kale; xuquuq sharci ah iyo sharci xaq ah, isma duudsiyaan. Mana jiro wax u dhexeeya, in labaduba xuquuqda iyo sharcigu wada joogaan ama ay meesha kawada maqan yihiin.

Cadaalada & Kaalinteeda Nabad-dhiska iyo Dib-u-heshiisiinta?

Waxaa marag ma doonto ah in cadaalada lagama maarmaan tahay marka la rabo in la dhiso nabad waarta, dad kala irdhoobay oo diriray sida Soomaalida oo kale ah dib loo heshiisiiyo.  Heshiisyo badan ayaa Soomaalida la isugu keenay, balse ma aheyn kuwo ku saleysan caddaalad darro iyo  iyada oo aan la helin dad u bisil fulinta howshaa talinta oo ku dhisan cadaalada, qiyamka iyo anshaxa maaraynta. Cadaalaada, nabadda iyo dib u heshiisiinta waa isku xeranyihiin waxaana la rabaa in waqti iyo maskax badan la geliyo sidii lagu gaari lahaa. Cadaalad darro ayaa keentay in meesha ay ka baxdo dowladii quwada weyneyd ee Soomaaliya ka arrimin jirtay, is waydiinta ugu weyn ee la rabo in fal-celin loo helo waa, sidee caddaalad lagu helaa dadki, dalka iyo calanka Soomaaliyeedna dunida dib uga muuqdaan. Waxaan kusoo gabo gabeynayaa soo jeedinta laba qodob oo haddii la xaqiijiyo ay wax badan iska baddali karaan xaalka umadda:

  • Caddaalad

Caddaalada la’aani nabad iyo daggaanaan ma imaan karto, sidaa aawadeed, waa inaanu kaashannaa caddaaladda, si aanu u gaarno midnimo ummaddeed, una tiigsanno horumar iyo meesha ay hamminayaan asaaggeen….

  • Dhisidda Heyadihi Caddaaladda

Waxaa iyaduna marag madoonta ah inaynu u baahannahay dhisiddii hayadahii caddaaladdasuura-galin lahaa, sida maxkamado, qareenno, xeerar iyo sharciyo dhameystiran. Waxaa iyana meesha ku jirta in maxkamadda sare yeelato awoodaheedii oo buuxa, oo ay kamid tahay, inay soo xiri karaan ama awoodda ka qaadi karaan madaxda dalka, hadii ay dambi galaan tusaale ahaan Raysul-wasaarahii hore ee dalka Pakistan Gillani waxaa xilkaka ka qaaday maxkamaddii sare ee dalka masuqmaasuq baahsan awadeed, waxaa iyana la baahanyahay in la helo dad u leh hufnaan iyo dhawrsanaan una carbiyeysan howlahaan, dibu soo celinta caddaaladda..

Soomaalida waxaan u soo jeedinaya, inay ku daraan doodahooda, dib-u-soo celinta caddaaladda, intay ku hayaan dib-u-soo celinta nabadda, illeeni nabad ma hergalayso caddaalad la’aane. Cadaalada & Nabadana Waa Labada Dhinac ee Hal Shilin.

W/Q: Ahmed Roble

Qoraaga Wuxuu ka tirsanyahay Xarunta Cilmibaarista & Daraasaadka ee Muqdisho.

About Editor2

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>